DAGAAL QARAAR OO U DHAXEEYA PUNTLAND & SOMALILAND OO KA QARXAY GOBOLKA SOOL

15 May 2018 (Puntlandes) Dagaal qaraar oo aad u culus oo u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland ayaa saaka ka qarxay deegaano ka tirsan Gobolka Sool.

32c3

Daryanka madaafiicda labada dhinac is weydaarsanayaan ayaa laga maqlayaa meelihii ay is-horfadhiyeen ciidmada Puntland iyo Somaliland, isagoo si xoogan uga socda dhawr goobood oo kala duwan.

Wali lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka oo ah mid cusub oo ilaa 8-Janaayo ee sanadkan abaabulkiisu socday, markaas oo Somaliland weerar ku qabsatay Tukoraq oo Kastam u ahayd Puntland.

Somaliland waxay maanta xusi lahayd 18 May oo ah maalin ay xusto, taas oo ay soo hormarisay.

Faahfaahin ku saabsan dagaalka kala soco Puntlandes.com

About The Author