Sawirro: Galayr oo ka qayb galay xuska 18ka May Somaliland, muxuu ka yiri?

18 May 2018 (Puntlandes) Cali Khaliif Galayr ayaa caawa ka qayb galay xuska 27 guuradii kasoo wareegtay markii la aasaasay Somailand 18ki  May 1991.

Galayr oo waqtiyadii dambe fariisin ka dhigtay Hargaysa ayaa shacabka reer Somaliland ugu hambalyeeyey sanad-guurada 27-aad ee kasoo wareegtay dib ula soo noqoshada ”xorriyadooda” waa sida uu hadalka u dhigaye.

Wuxuuna sheegay inuu guul iyo miro dhal ka rajaynayo wada-hadalladii uu hore ula galay Somaliland oo meel wanaagsan hadda maraya, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Galayr ayaa yiri “Waxaanu nahay dad reer Somaliland ah oo kamid ah oo waxa ay mudan tahay dib-u-dhisidda Somaliland annaga oo miyir qabna oo wixii aanu kala door dooranaynay aanu aad uga baaraan degnay ayaan u aragnay inaanay Tan (Somaliland) mid noo dhaantaa jirin, waxaana aan rajaynayaa inaanu hawlan soo afnarno.”

Lama yaqaan cidda uu ku hadlayo magacooda Galayr, laakiin waxaa la ogaa in maamulkii Khaatumo ay Galayr xilka ka qaadeen markii uu ku biiray Somaliland oo aysan doonayn dadka uu  ka soo jeedo Galayr.

Daawo sawirrada Galayr
16

19

20

20a

21
Puntlandes.com

About The Author