Akhriso Puntland oo Somaliland ku eedaysay in ay gabbaad u tahay ururada Alshabaab & Daacish

19 May 2018 (Puntlandes) Puntland ayaa Somaliland ku eedaysay in ay gabbaad u tahay ururada Alshabaab iyo Daacish ee dhibaatada baahsan ku haya xasiloonida iyo amniga Soomaaliya.

21

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay, in Somaliland ay agab dagaal siiso malayshiyaad ka tirsan Alshabaab iyo Daacish, islamarkaana u soo gudbiso dhinaca buuraleeyda Puntland.

Xukuumadda Puntland ayaa dhinaca kale Somaliland ku eedaysay,in ay soo qortay warqad been abuur ah oo lagu sheegayo in madaxweyne Gaas uu dagaalkii Tukaraq warbixin ka siiyay, madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Warqadda lagu been abuurtay madaxweyne Gaas ayaa lagu sheegay in uu dagaalka Tukaraq taageero uga dalbaday dowladda Federaalka Soomaaliya.

Akhriso qoraalka kasoo baxay Puntland

22

Puntlandes.com

About The Author