Dhegeyso: Nabadoonada Gobalka Nugaal oo taageeray go’aankii Xukuumadda Puntland ee xoraynta dalka maqan

20 May 2018 (Puntlandes) Cabdiraxmaan Jaabiri Samatar oo kamid ah waxgaradka Gobalka Nugaal oo waraysi Radio Garoowe ayaa taageeray go,aankii shalay kasoo baxay Xukuumadda Puntland ee ahaa xoraynta dalka maqan, gaar ahaan qaybta ay Gobolaka Sool ka haysato Somaliland.

20

Cabdiraxmaan Jaabiri ayaa ku eedeeyey Madaxda Somaliland inay ka biyo diideen inay ka shaqeeyaan Nabadda ay bedelkeed hurinayaan Colaad, wuxuuna ugu baaqay shacabka inay dowladda iyo ciidamada ku garab istaago difaaca Dalka.

Mar la waydiiyey shaqsiyaadka qaba in arintaan dowladu ku koror sanayso waqtiga waxaa uu sheega inaan waxba ka jirin arintaas isagoo ku tilmaamay mid tashuus lagu galinayo Shacabka Puntland.

Dhegeyso waraysiga Nabadoonka


Puntlandes.com

About The Author