Wasiirka Gaadhanhiga Somaliland oo Ciidamada Puntland ka hor istaageen inuu Galo magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag

20 May 2018 (Puntlandes) Wasiirka Gaadhanhiga Somaliland Ciise Axmed Yuusuf oo doonayey inuu isku sawirro ayaa Ciidamada difaaca Puntland ka hor istaageen inuu Galo magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag.

34

Wasiirka oo si dhuumasho ah kusoo galay deegaanka Hadaftimo ayaa wuxuu doonayey inuu tago magaalada Badhan, ayaa Ciidamada difaaca Puntland waxay ku weerareen Gurigii uu ku soo degen Hadaftimo is rasaas ayn dhexmaray ilaaladiisa iyo Ciidamada Puntland waxa uu wasiirku u cararay Guriga  Suldaanka guud ee Gobalka Sanaag Suldaan Saciid Suldaan Cabdisalaan.

Wasiirka ayaa isla maanta ay Ciidamada Puntland ku qasbeen inuu dib ugu laabto Magaalada Ceerigaabo oo Xarunta Gobolka Sanaag, isagoon wadan sawirkii uu doonaye y inuu u geeyo Madaxweyne Muuse Biixi.

Dhagayso Maxamud Maxamed Canshuur oo kamid ah Dadka deegaanka Hadaftimo

 


Puntlandes.com

About The Author