Kulan is afgaranwaa ah oo dhexmaray Somaliland & cuqaasha Gobolka sool

20 May 2018 (Puntlandes) Saaka ayaa waxaa kulan degdega ay Somaliland iskugu yeertay odayaasha iyo waxgaradka cuqaasha gobolka Sool dhexmaray Masuuliyiinta Somaliland ugu magacaaban Wasiirka horumarinta biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore, Gudoomiyaha Baarlamaanka  Baashe Maxamed iyo C/rashiid Qambi.

29

C/rashiid Qambi oo kulankan furay ayaa sheegay ajandaha shirka, in uu yahay ajandaha Shirku sidii loogu taageeri lahaa Somaliland oo xoolo iyo ciidamo cusub oo la qarameeyo si ay loogu biiriyo ciidanka  kusagan Tukaraq.

Waxaa isla halkaasi ka hadlay gudoomiye  Baashe Maxamed oo sheegay in Dhulbahante looga baahanyahay 1,000 oo cidana oo loo qarameeyo dhulbahante.

Waxaana intaasi kadib Kahadlay halkaasi oo hadalka qaatay Caaqil salaad caaqil Xuseen Axmed Kulan oo ah mid kamida cuqaasha Beesha Maxamuud Garaad waxa uuna hadalka ku bilaabay sidan
“Nimankiinan xilalka haya ee aan garanayn shaqadooda waxaan leeyahay annagu hadii aan rabno ciidan la qarameeyo waxaan cidankayaga xoolahayaga ugu deeqilahayn oo ku darilahayn puntland anaga deegaankayagii iyo dalkayagii ayaa dib idiinka xoraysanaynaa annagu Ciidan laqarameeyo iyo Xoolo isaaq lasiiyo mahayno Idinkana waxaan idin leeyahay yaan laydin sooturin ee dadkiinaa harti dhinac karaaca”

Waxaa isna halkaasi kahadlay oday Qamandi oo siwayn usoodhaweeyey Hadalka Caaqilka Oo sheegay inay kamidaysanyihiin ka maxud garaad ahaan hadalkasi ayna markii hore iskusooraaceen.

Intaasi kadib waxaa meesha Kabilamay Buuq qaylo iyo qoryo isku cabaysi dhexmaray ilaalada wasiirka biyaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka iyo cuqasha.

Kulankaasi saaka ayaa wuxuu kusoo dhamaday is afgaranwaa oo ay kadhici gaadhay is gacanqaad.

Waxaana sidaa ku baaba’ay kulankii, Waxayna cuqaasha gobolka sool Sheegeen go’aankooda ku aadan dagaalka tukaraq ayna siwayn usoodhawaynayaan Ciidanka Puntlnad.

 

Puntlandes.com

About The Author