Daawo Video: Khaatumo oo ku dhawaaqday inay Puntland kula midowday Xoraynta dhulka ay Somailand haysato

21 May 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha maamulka Khaatumo Cabdalle Maxamuud Cali (Cagalule) oo  shir jaraa’id ku qabtay caasimadda Puntland ee Garowe ayaa si buuxda u taageeray dagaalka ay Puntland ku soo celinayso dhulka maqan ee gobolka Sool.

Mudane Cagalule ayaa shirkiisa jaraa’id ku dhaleeceeyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo uu ku tilmaamay gacan ku dhiigle ku caan baxay gumaadka bulshada reer Khaatumo iyo boobka dhulkooda, isagoo ku hanjabay in Somaliland aysan sii haysan doonin degaannada ay kaga sugantahay gobolka Sool.

Dhinaca kale Cagalule ayaa si kulul u canaantay siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ee xilalka ka haya maamulka Somaliland,isagoo si gaar ah carrabka ugu dhuftay in ay jiraan rag aqoonyahanno loo qabay oo Somaliland been ku qancisay,islamarkaana  dhuuni dartiisa u taageersan kala go’ynta umadda Soomaaliyeed iyo burburinta jiritaanka iyo qarannimadeeda.

Madaxweyne Cagalule oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in siyaasiyiinta reer Khaatumo ee Somaliland xilalka ka haya ay lamid yihiin awr raray ah oo koromo ah (dhufaanan),wuxuuna caddeeyay in aysan matalin bulshada ay magaceeda sheeganayaan,sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambayntii Cagalule ayaa sheegay inay waajib dastuuri ah ku tahay dawladda Puntland inay soo celiso dhilka la haysto, ayna kula shaqaynayaan.

Dhanaka kale Cagalule ayaa dhaliil xoogan u jeediyey Dowlada Faderaalka Soomaaliya isagoo ku tilmaamay inay ku mashquulsan-tahay kala qaybinta Soomaaliya.

Hoos ka daawo shirkii jaraa’id.

33k

34a1

34a2
Puntlandes.com

About The Author