Daawo Video: Beeshii Jeegaanta ku haysay Gobolka Sool oo ku dhawaaqay iney ka baxeen Somaliland kuna biireen Puntland

21 May 2018 (Puntlandes) Warar ka imaanya Gobolka Sool gaar ahaan caasimadda Laascaano ayaa sheegaya in Waxgaradka iyo Odayaasha Beesha Jaamac Siyaad ee dhulbahante oo horey loogu tirinayey cududda maamulka Jeegaanta ku haysa  Gobolka Sool ay isaga baxeen xulafadii Jeegaanta.

34a1

Caaqilka ugu da’ada weyn ee Beesha Dhulbahante isla markaasna ah Jiif Caaqilka guud ee beesha Jamac Siyaad mudane Axmed Hoolif ayaa maanta  si kulul uga hadlay xiisada ka taagan Gobolka Sool, gaar ahaan Deegaanka Tukaraq.

Caaqilka ayaa ku dhawaaqay in ay yihiin dadka u dhashay Puntland kana tirsan oo aysan aqoonsaneyn maamulka Hargeysa ee Jeegaanta.

Daawo Caaqilka

Puntlandes.com

About The Author