(Sawiro)Dowladda Faderalka ee Soomaaliya oo ka hadashay qaraxii ka dhacay dagmada Afgooye

(Puntlandes Muqdisho) Wasiirka wasaaradda amniga xukuumada Faderalka ee Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in qaraxii Ismiidaminta ah ee ka dhacay dagmada Afgooye uu ku geeryoodey Naftii haligii gaariga qaraxa saarna waday kaas oo ay ku adkaatey in uu ka gudbo barta kaantarool oo ciidamadu ay baabuurta ku baarayeen sidaasna uu isku qarxiyey.

Waxa wasiirku uu hadalkiisa raaciyey in ciidamadda amaanku ay markii horaba hayeen xog muujinaysa in gaari walxaha qarax ay saaran yihiin uu ku soo fool leeyahay magaalada Muqdisho sidaasna looga hortagey.

Dhanka kale Kooxda Alshaab oo iyana dhankooda ka hadashay weerarkaasi ayaa sheegtey masuuliyada qaraxaasi waxaana ay sheegeen in ay ku dileen ciidamo ka tirsan Commendos-ka Soomaaliya gaar ahaan ciidamada fariisan ku leh deegaanka Bali-doogle.

Ma jiraan warar madax banana oo ka hadlaya khasaaraha weerarkaasi marka laga yimaado sheegashada weerarka ee Alshaab iyo beeninta dowladda Faderalka ee Soomaaliya.

qarax3 qarax2 balidoogle

About The Author