(Sawiro)Taariikhdu Qarin mayso masuul kasta oo Dantiisa ka hormariya Dadka Guud ee Bulshada

(Puntlandes-Galkacyo)  Waxaan ku kusoo bandhigayaa Gudoomiyaha waxbarshada Gobalka mudug Ahmed huruuse Xaashi iyo Kormeerki taariikhda galay ee uu ku tagay deegaano hoos yimaada dagmada jariiban ee gobolka Mudug.

Sawirada aad aragtaan waa tuulooyin kuyaala Bariga Degmada Jariiban gaar ahaan degaanada loo yaqaano gaari waaga xili gudoomiayaha Waxabarshada Gobalka Mudug uu kormeer kutagay waxaa uu ku soo arkay Baahiyo Badan oo kajira dhinacayada waxbarshada iyo dad u bisil in ay wax baraan caruurtooda balsa aan helin egabyadii ay wax ku bari lahaayeen Caruurtooda.

Waxaan kaloo uu soo arkay Gudoomiyuha Xarumo waxbarsho oo ardayda ay ku fariistaan daasadaha caanaha Booraha waxaana tuuladaasi qaali ka noqaday daasada caana Booraha taas oo qoys walba uu si aad u ilaalinayo daasada si biri caruurtoodu ay iskuulka ula aadan.

Sidoo kale inta kormeerka uu ku jirey gudoomiyaha waxbarshada Gobalka mudug Huuruse waxaa uu soo arkay Caruur badan oo wax ku baranaya geedo hoostood kuwaas oo loo suray geedka Sabuurad kaliya ‘waxaana gacmihiisa uu waxa kaga soo dhisay iskuul laga ooday geed qurac ah hoostiisa,waana dareen muujinaya Masuuliyada Axmed Huuruse Xaashi.

Dhamaan dadka kunool Degaanada Miyiga ah ee hoosyimada Degmada Jiriiban waxa ay ii sheegayeen in gudoomiyaha uu yahay gudoomiyhii ugu horeeyay oo ku magacaaban waxbarshada Gobalka mudug ee soo gaaro Deganadaasi in uu yahay Gudoomiye Huruuse waxa ayna u soo bandhigeen baahiyo badan oo ka haysta dhinaca waxbarshada.

Waxaan ku amanayaa gudoomiyaha in uu ka jawaabay inta badan Baahiyihii uu soo arkay isagoo la kaashanaya Wasaarada waxbarshada iyo Tacliinta sarre isaga oo sidoo kale hanaanka iskutashiga ku dhiirigaliyey dadka deegaanadaas.

Sawirada aad arkaysid sida dhabta ah waa ay adagtahay in aad ka dareentid dareenka wadaninimo iyo midka masuul ee ka muuqda gudoomiye Axmed Huuruse Xaashi balse inta uu kormeerka ku jirey mar walba waxa uu ahaa ruux aad ka dareemaysid sida uu uga xunyahay dhibaatada waxbarasho la’aan ee haysata caruurta deegaanadan,waxaase uu ku hanwayn yahay in uu maalin u ku soo laabo deegaanadan oo ay ka dhisan yihiin Iskuulo waa wayn caruurtuna ay aad u faraxsan yihiin.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA.

1 2 3 4 5 6 111

About The Author