Dhagayso Cod sir ah: Camey “Dagaalkii Qarniga buu noqonayaa, kii ka harana waa nin ka haray dhaxalkii Awoowgi” (G. Sool)

23 May 2018 (Puntlandes) Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay ayaa qurba joogta beesha uu ka soo jeedo ee Dhulbahante waxa uu khadka taleefoonka kala qaybgalay shir ay beeshaas lahayd oo looga arinsanayey difaaca iyo xoraynta dalka iyo doorka Beesha dhulbahante ay ku leeyihiin dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Somaliland balse nasiib daro waxaa si aan masuuliyad ku dheehnayn looga duubay madaxwaynaha shirkii uu ka qayb galay.

camey1-740x493-1

Madaxwayne Camay waxa uu u hadlay Qaab dowladnimo,Qaab beeleed waxaana uu si qoto dheer qurba joogta beesha dhulbahante ugu  baraaarujiyey in ay ka qaybqaataan dagaalka xag dhaqaale iyo waliba xag ficilba taasina ay maanta tahay guul la doonayo in laga gaaro cadowga weerarka ku soo qaaday Puntland iyo deegaanada beelaha dhulbahante 10 kii sano ee u danbaysey.

Camay waxa uu sheegay in dagaalkan uu noqon doono dagaalkii Qarniga islamarkaana ninkii ka hara dagaalkan uu la mid yahay nin ka haray dhaxalkii Awoowgii,waxaa kale uu sheegay in dagaalkan dhulbahante uusan ku kala soocnayn ee beesha dhulbahante ay yihiin hal far oo qura.

Hadalka Madaxwayne ku xigeenka Puntland waxa uu dhamaantiis ku fadhiyaa dhiirigalin iyo baarujin beeshiisa ku dhiirgalinayo in ay is abaabulaan oo aan maanta loo kala harin dagaalka lagu xoraynayo goboladda Sool,Sanaag iyo Cayn gaar ahaan xarunta gobolka Sool ee Laascaanood.

Duubista aan idinka loo haysan ee laga duucay codka madaxwayne ku xigeenka Puntland waxa ay caqabad ku noqon doontaa shirarkii madaxda ay kaga qaybgali jireen khadadka taleefoonka gaar ahaan shirarka beelaha.

Hoos ka dhagayso Codka Eng Camey

 


Puntlandes.com

About The Author