Daawo Video: Horgaladii Somaliland oo qaylo afka furtay, soona saaray amaro ay shacabka Laascaanood is leeyihiin waad ku cabu rin kartaan

23 May 2018 (Puntlandes) Horgaladii Somaliland ugu magacawnaa xilalka ee kasoo jeeday Gobolada S ool, Sanaag iyo Cayn uuna Muuxe  Biixi usoo diray bal inay maalmo kooban u hayaan magaalada ayaa waxay maanta Cabsi iyo qaylo dhaan ka muujiyey ka xoraynta gobolka Sool ee ay dawladda Puntland wado.

34a2

Waxayna ku dhawaaqeen amaro ay ku soo rogeen shacabka magaalada Laascaanood, kuwaasoo kala ah:

In aysan Shacabka magaaladu qabsan Karin wax shir ah

  1. In aan Hub magaalada lagu dhex mari karin
  2. In aysan Saxaafaddu tabin Karin war aysan ogeyn xubnaha wasiiradda iyo Afhayeenka baarlamaanka eekusugan magaalada
  3. In Magaalada uusan mari karin Baabuur aan wadan Taargada Somailand (waxay ka cabsannayaan Gaadiidka Puntland)
  4. Cid kasta oo ku talaabsata kicinta shacabka waxaa loo aqoonsanayaa danbiile

Waxgaradka, Odayaasha & Dhalinyarada magaalada Laascaanood waxay si cad u diideen in ay garab iyo gaashaanba u noqdaan Somaliland, waxayna go`aansadeen in ay gudaha magaalada ka cadeeyaan mawqifkooda, taas oo keentay in lagu dhiiran waayey.

Shacabka magaalada Laascaanood ayaa ku sifeeyey amarkii ugu dambeeyey ee ay Somaliland kasoo saarto magaalada, iyadoo maalmaha soo socda laga xorayn doono.

Daawo muuqaalka horgalada Somaliland ee Gobolka Sool

Puntlandes.com

About The Author