DEG DEG Xildhibaan Katirsanaa Barlamaanka Puntland oo Galkacyo Lagu Diley

23 May 2018 (Puntlandes) Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa caawa lagu dilay Xildhibaan Cabdixakiim Macalin Daahir oo kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka dawladda Puntland.

Weerarka lagu qaaday ayaa Xildhibaanka waxaa ku soo gaaray dhaawac Culus, waxaana isla markiiba loo qaaday Isbitalka GMC ee magaalada Gaalkacyo halkaasi oo uu ku geeriyooday.

AUN Xildhibaan Cabdixakiim ayaa la mid ah xildhibaanada kasoo jeeda Gobolka Mudug.

Puntlandes.com

About The Author