MAQAAL: DHAQAN CELIN IYO DAWLAD CELIN

Waan salaamayaa dhamaan akhristayaasha ACWB. Ramadaan Kariim. Waxaynu soo marnay walina ku soconaa waqti dheer oo mugdi ah; colaado iyo qayb sanaan baahsan; gaajo iyo abaaro  aan dhamaan; iyo bur bur dal, dawlad, dad iyo waliba mid maskaxeed. Waxaynu tuurnay oo runtii ka raad gadanay dhaqan keenii iyo caadadeenii ku salaysnayd islaanimo, wada noolaansho, istix galin , wax wada lahaansho, is aamin, midnimo iyo waliba Soomaalinimo.

30a1

Nasiib daro waxaan bur burinay oo luminay dawladnimadeenii. Waxaynu ka dhaxal nay fawdo iyo is qab qabsi aan dhamaan oo waxa manta ka dhex socday golaha xukuumada iyo golaha sharci dejintu ay marqaati cad u yihiin. Waxaan kaloo ka dhaxalnay jiilal tiro badan oo ku indho furay, ku dhashay, ku koray isla markaana ku dhaqmay fawdada, qalalaalasha, qaybsanaanta, cadaalad darada, masuqmaasuqa iyo kala dambayn la’aanta.

Mida ugu daran uguna khatar ta badan oo aan hada ka dhaxal nay waxay tahay shacab ku dhow rajo beel isla markaana qarka u saaran inay aaminaan in talo faraha ka baxday isla markaana uu wadanku ku socdo wadadii uu gacan ta ugu gali lahaa gabi ahaanba wadamo iyo dawlado kalo oo la wareega. Tusaale cad oo marag ma doonta ah waxaa noogu filan (qofkii dhexdhexaad ah oo ay dhibayso xaalada dadka iyo dalku ku sugan yahay) amaradii uu bixinayay general kii African ka ahaa Paul Lokech, iyo awoodii uu isticmaalayay ee ahayd inuu asagu u yeeriyo waxa mudan in la yeelo oo ay qaataan golaha shacabku.

DAWLADII KACAANKA

Waxaa jiray dawladii kacaanka barnaamij balaaran oo dawladu ay siisay muhiimad gooni ah, si xawli ahna ay u dhaqan galin jirtay. Barnaamijkaasi wuxuu isugu jiray  wacyi galin iyo hanuunin iyo ogaansho cida talada wadanku gacanta ugu jirto (ciidamada). Barnaamijkaas waxaa laga fulin jiray oo lagu qaban jiray goobo ay ka mid yihiin Xalane iyo iskuul boliisiya. Barnaamijkaas waxaa loogu talo galay in wax lagu baro ardayda dhamaysata dugsiyada sare, shaqaalaha dawlada iyo ciidamada dawlada ha noqdeen kuwa gudaha lagu tababaray ama kuwa lagu soo tababaray wadamada shisheeye.

Ujeedada laga lahaa barnaamijkan wuxuu ahaa in bulshada la jiheeyo isla markaana la mashquuliyo, dhagahooduna ay markasta maqlaan dhawaaqa dawlada. Yoolku wuxuu ahaa in la hantiyo fikirka, aragtiyada iyo waxqabadka bulshada isla markaana ay noqdaan kuwo waafaqsan aragtiyada siyaasadeed iyo kuwa horumarineed ee tawrada. Waxaa kaloo qorshahani ahaa in dadka la fahamsiiyo amniga iyo kala dambaynta isla markaana loo hogaansamo sharciyada iyo qaynuunka dalka u yaal ee ay tawradan samaysay.

Muhiimada kale ee barnaamijkan lahaa waxay ahayd in dadka laga masaxo aragtiyada siyaasadeed ee ka duwan kuwa tawrada iyo kacaanka, ha noqoto kuwo ay la yimaadaan dadka ama ciidamada lagu soo tababaray dalalka shisheeye, ha noqoto nidaamyadii tawrada ka horeeray iyo waxa la dhaho dimoqraadiyad. Waxaa kale oo qayb ka ahaa barnaamijkan dhoola tus iyo in shacabka iyo ciidamadaba la tuso awooda ay tawradani leedahay isla markaana ay ku qasban yihiin inay fuliyaan awaamiirta tawrada.

Waxaa cad oo marag ma doonto ah in dawladii kacaanku ay bilowgii si fiican oo qoto dheer u daristay baahiyaha iyo dhibaatooyinkii wadanka ka jiray, guuxa iyo waxa bulshadu tabanayeen iyo muuqaal ka guud ee dalka ha noqoto xag horumar, siyaasad, dhaqaale iyo bulsho intaba. Waxay fahmeen in bulshadu u baahan tahay kicin iyo isbadal. Waxay markiiba culayska saareen inay isticmaalaan qaybaha kala duwan ee warfaafinta iyo fanka. Waxay abuureen halku dhagyo soo jiitay qalbiga bulshada sida sinaan, cadaalad, musuqmaasuq la dirir, qabyaalad aas, in la qarameeyo hayado badan oo ku jiray gacanta dadka shacabka oo dawladu la wareegto. Waxaan dhagaystay abwaan Soomaaliyeed oo la yiraahdo Siciid Xarawo oo yiri, waxaa aad u soo jiitay qalbiga iyo laabtayda, amar ay dawladii kacaanku soo saartay oo ahaa in ay dawladu la wareegayso bangiyada. Aad Ayaan ugu riyaaqay buu yiri oo waxaan u arkay horumar iyo guul u soo hoyatay shacabka iyo umada Soomaaliyeed. Taasina waxay igu abuurtay buu yiri inaan si kal iyo laab ah ay maskax dayda uga soo maaxato heestii ahayd TOWRADATAN BARAKAYSAN.

Hogaamiye iyo dawladiisu waa inay ugu yaraan fahmi karaan dareenka, guuxa, baahida iyo rajada shacabka ay matalaan sidoo kalena ay u turjumi karaan dareenkaas qaab sahlaya in dhawaqa dawladu galo qalbiyada shacabka lana yimaadaan waxqabad dhab ah, haba yaraadee.

Waxaa inaga burburay dad, dawlad iyo dad intaba. Waxaynu u baahanahay in aynu wixii naga burburay aan dib u dhisno. Soomaalidu waxay ku maah maahdaa oodo dhacameed say u kala koreeyaan baa loo kala qaadaa.

In aynu dal dhisno waxaan u baahanahay dawlad leh qaynuun, sharci , kala dambayn iyo u hogaansan sharci; amni, xasilooni iyo deganaan siyaasadeed ; kalsooni, midnimo iyo Soomaalinimo iyo waliba qorshayaal fog iyo kuwo dhow ee xaga arimaha dhaqaalaha, siyaasada iyo horumarka.

Hadaba si aynu dawlad u helno waxaan u baahanahay dad leh awood hogaamineed, aragti dheer iyo kalsooni isla markaana diyaar u ah inay naftooda u huraan dalkooda iyo dadkooda; aaminsan midnimo, dawladnimo, qaranimo iyo soomaalinimo iyo shacab ku midaysan. Hadaba si aynu dad u dhisno, maxaynu u baahanahay?

Dhaqan Celin

Shacabka Soomaaliyeed wuxuu u kala qayb samay dhowr qaybood. Kuwo ah qab qab layaal siyaasadeed oo xukun doon ah, oo runtii ku tagay qaybinta, kala gaynta iyo colaad hurinta shacab ka dhexdiisa ah, si ay u helaan ama u gaaraan danahooda khaaska ah. Kooxdani waxay u baahan yihiin dhaqan celin siyaasadeed iyo mid maskaxeed. Waxaan qabaa in kooxdan loo sameeyo doodo iyo barnaamijyo ku saabsan arimaha bulshada, dhaqanka suubaan ee ummada soomaaliyeed iyo taariikhda midnimada soomaaliyeed iyo halgan kii gobonimo doonka. Waa in laga ilaaliyaa fagaarayaasha iyo doodaha ku saabsan arimaha dawlad u samaynta dalka. Tani waa masuuliyad saran qof kastoo Soomaaliya, gaar ahaan qaybaha warbaahinta ee kala duwan. Waxaan qabaa in hadii aynu tan samayno ay qayb wayn ka noqon karto aayo ka talinta iyo dib u soo celin ta dawlad midnimo soomaaliyeed.

Qayb kale waa kuwo runtii la marin habaabiyay oo si indho la’aan ah u taageera qab qab lahooda siyaasadeed ee beeshooda. Dadkani runtii wa dad la khalday oo laga dhaadhiiciyay taariikh qaldan iyo been abuur isla markaana loo tusay cadow ga kaliya ee ay leeyihiin ee hortaagan horumarkooda inuu yahay qayb kale oo ka mid ah shacab ka Soomaaliyeed. Qayb tani waxay u baahan tahay caawinaad iyo in laga masaxo fikirka qalad ka ah ee la galiyay maskaxdooda. Waxay u baahan yihiin wacyi galin iyo hanuunin. Dad kani waxay u baahan yihiin in loo sameeyo barnaamijyo cilmiyaysan ee ku saabsan doorka qab qab layaasha siyaasadeed ay ka soo qaateen burburkii dalka, rabitaankooda dhab ta ah, iyo sida ay qayb uga yihiin kala qaybinta ummada. Waxay kaloo u baahan yihiin in la baro dhaqan ka soomaaliyeed xornimo doon kii ka hor, xornimo doonkii iyo xornimadii ka dib intii aysan bilaaban siyaasada qabiilaysan iyo danaysiga shaqsigaa.

Qaybta sadexaad waa kuwo aad u yaraa xiligii burburka ama dhashay burburka ka dib. Sida la qiyaaso, qayb tani waa kuwa ugu tirada badan shacab ka soomaaliyeed meel kasta ha joogeene. Jiilashaani runtii waxay noqdeen kuwo aad u ayaan daran oo ku indho furay kuna koray dawlad la,aan, dal la,aan, burbur, colaad, abaaro, baahiyo farabadan, iyo midnimo iyo soomaali la’aan. Jiilashan iyo dhalin yaradaani ma aha kuwo lagu dhaqan celin karo oo kaliya taariikhdii wanaag sanayd iyo dhaqankii suubanaa ee ummada Soomaaliyeed, waayo waxay dhagahoodu iyo indha hooduba ka soo daaleen nacayb, gobolaysi, siyaasad qabiilaysan iyo shisheeye u adeeg. Waxa kaliya ee lagu dhaqan celin karo waa in la helo hogaamiyayaal qaran, isbadal iyo dawladnimo, kala dambayn, wadatashi, midnimo, isdhex gal iyo wax wada lahaansho. Hadii aan taas la helin waxaa aad u adkaan doonta amaba aan suuro gal noqon doonin in dib loo helo qaranimo dambe ee soomaaliyeed.

Dawlad Celin

Masiibada inagu habsatay hadii aynu nahay ummada soomaaliyeed waxay na dhaxal siisay inay aynu madaxa ku socono mijihiina kor u taagno. Burburkii iyo dawlad la’aanta waxaa nooga faa’iidaystay ummado kale oo badan oo aan jeclayn jiritaanka iyo qaranimada Soomaaliyeed. Cadowga soomaaliya, ayagoo runtii kaashanaya danaystayaal Soomaaliyeed, waxay xooga saareen sidii ay u burburin lahaayeen qaab dhismeed ka ummada na noqoto xag bulsho, dhaqan, dhaqaale, maamul iyo siyaasad intaba.

Waxaa nala gaarsiiyay in qofkasta noqon karo Isim, Aqoon yahan, Shiikh, Siyaasi, Danjire, mudane baarlamaan, Af hayeen baarlamaan, Wasiir, raysul Wasaare iyo madax wayne intaba iyadoon loo baahanayn aqoon, xirfad, waayo aragnimo, xilkasnimo, daacadnimo iyo aaminimo. Waxa kaliya ee nala baray labaatameeyadii sano ee burburku jiray waxay ahayd sidii loo raadin lahaa xukun iyo jago iyadoo runtii aynaan garanayn sida wax loo xukumo, waxa aan xukumayno iyo cida xukunka hoos imaanaysa. Hadaba si aynu uga baxno burburkaa iyo fowdadaa waxaynu u baahanahay inaynu samayno goobo waxbasho oo lagu  “ DAWLAD CELIYO” waxna lagu baro shaqsi kasta oo usoo tafaxayta inuu xil sare ka qabto wadanka ama lagu baaro aqoontiisa aas aasigaa ee ku aadan wadanka, sharciyadiisa, xeerarkiisa, dhulkiisa iyo aqoonta dadkiisa.

Xarunta Barashada maamulka Dawladnimada, Qaranimada iyo midnimada

Waxaa muhiim ah inaynu abuurno dad garan kara dawladnimadu waxay tahay, masuuliyada iyo xilka saran waxay yihiin, diyaarna u ah inuu u adeego shacab ka soomaaliyeed isagoo wata aqoon, waayo aragnimo, xilkasnimo iyo mabda iyo fikir siyaasadeed oo qoto dheer si aynu uga gudubno Meesha aan taaganahay manta.

Xaruntani waxay sahlaysaa in madaxda mustaqbalka la baro:

  • Sharciyada iyo xeerarka dalka
  • Dhaqanka, caadooyinka, dhulka iyo dadka Soomaaliyeed
  • Taariikhda dalka, qaranimada iyo midnimada
  • Waajibaadkooda iyo xuquuqdooda
  • Maamulka, dhaqanka iyo maasmuuska dawladnimo
  • Xiriirka bulshada, dood wadaaga, xalinta dhibaatooyinka
  • Khayraadka dalka, ilaalintiisa iyo sharciyada iyo heshiish yada maalgashi caalamiga
  • La dagaalanka musuqmaasuqa iyo ilaalinta sharuucda dalka
  • Isticmaalka saxaafada casrigaa

Si aynu u biliowno dawlad sal leh isla markaana leh mustawe sare, waa in la aas aaso xaruntan waxbarasho inta aan la gaarin doorashooyinka soo socda lana diyaariyo daruus dhamays tiran oo cilmiyaysan iyo macalimiin u leh aqoon iyo karti inay daruustaas si haqab la’aan ah ugu gudbiyaan dhamaan cidii danaynaysa isla markaana laga qaado imtixaan muujinaya inay dhab u fahmeen culuum tii ay qaateen awoodna u leeyihiin inay ku dabakhaan wacyiga jira.

Waxaan in badan muujiyay oo ka hadlay in xiligan aan hada joogno aan u baahan nahay inaan dhisno maskaxda iyo fikirka ummada soomaaliyeed, taasina ay tahay sida kaliya ee aan ku dhisi karno dawlad iyo dal. Hadaba si aan taa u gaarno waxaan u baahan in mudnaan aad u balaaran la siiyo “ WACYI GALIN, HANUUNIN , DHAQAN CELIN IYO DAWLAD CELIN”.

 

Rabi talo ku filan.

 

W/Q C Qani  C Khalif

About The Author