TACSI MARXUUM XILDHIBAAN C/XAKIIM MACALIN DAAHIR

DAWLADDA PUNTLAND  WAXAY KA TACSIYAYNAYSAA  DILKII XILDHIBAAN  MARXUUM C/XAKIIM MACALIN DAAHIR

Madaxtooyada Dawladda Puntland
War-saxaafadeed

TACSI

Inaa Li’laahi Wa’inaa Ileyhi Raajicuun

28c9d

TIX/00100/2018
May 23, 2018

 

Dawladda Puntland  waxay ka tacsiyaynaysaa dilkii caawa fiidkii lagu dilay   Marxuun Xildhibaan C/xakiim Macalin Daahir  oo ka mid ahaa Golaha Wakiiladda Dawladda Puntland, Marxuunka ayaa caawa fiidkii isagoo soo afuray dablay hubeysan ku dishay Magaalada Gaalkacyo.

 

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa  Tacsi  guud u diray dhammaan  goleyaasha Dawladda Puntland iyo shacabkooda, sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu si gaar ah ugu tacsiyeeyay Qoyska iyo Eheladii Allaah ha’u naxariistee Marxuun Xildhibaan C/xakiim Macalin Daahir, isagoo Alle uga baryay marxuunka inuu ka waraabiyo Janno Fardowso Aamiin Aamiin.

About The Author