Wasiir Qarjab oo Ka Hadlay Dagaalka Tukaraq

24 May 2018 (Puntlandes) Wasiirka Warfaafinta dawladda Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo la hadlay Warbaahinta dawladda ayaa xaqiijiyay in Puntland ay guulo waa wayn ka gaartay dagaalkii saaka oo uu tilmaamay inuu wali socdo.

33a5

Qarjab waxa uu sheegay in farisimihii maamulka Somaliland ay ku sugnaayeen gabi ahanba Puntland ay la wareegtay , ayna 10KM dhanka dhinaca Laascaanood u riixeen, waxa kaloo uu sheegay inay gaarsiiyeen dhimasho badan, dhaawac badan, maxaabiis laga qabtay iyo gaadiid dagaal oo qaar la qabtay kuwana la gubay.

Khasaaraha dhanka Puntland soo gaaray wasiirku ayuu sheegay inuu yar yahay, isla markaana Ciidamada Difaaca Puntland ay dhaafeen Tuka-raq sida uu sheegay wasiirku.

Ugu danbayn Qarjab ayaa xusay in xogta oo dhammaystirsan ay soo gudbin doonaan markay sameeyaan tirakoob rasmi ah, waliba dagaalku uu socdo.

 

Puntlandes.com

About The Author