Dhgayso: Guddoomiyihii Maxkamadda Sare oo sharci darro ku tilmaamay xil ka qaadistii madaxweynuhu ku sameeyay (warbixin)

28 May 2018 (Puntlandes) Guddoomiyihii Maxkamadda Sare Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa ka soo hor-jeestay xilka qaadistii uu shalay gelinkii dambe uu ku sameeyay Madaxweyne Farmaajo, isagoo caddeeyay in aan loo marin hab sharciga waafaqsan.

35a5

Guddoomiye Iidle oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in Dastuurka uu caddeynayo inay kala madax banaan yihiin Hey’addaha Fulinta, Garsoorka iyo Xeer sharci dejinta, isla markaana loo raacayo xeerarka nidaamka garsoorka qodobkiisa 23aad oo sheegaya sida shaqada uga fariisan karaan Guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo xubnaha ugu sareeya oo ah da’da shaqada 65 sano.

Waxaa uu sheegay inuu sii wadanayo howlihiisa iyo waajibaadkiisa qaran, isla markaana Garsoorka aanu aheyn xil siyaasadeed, sidaas darteedna wixii sharci ah uu aqbalayo, hase ahaatee wixii aan sharci aheyn uusan aqbali doonin.

Mar la weydiiyay sida ay ku kala duwan yihiin xil ka qaadistiisa iyo xil ka qaadistii uu Madaxweynihii hore Xasan Sheekh uu xilka ka qaaday Guddoomiyihii hore Maxkamadda sare Ceydiid Cilka Xanaf ayuu ku jawaabay in Guddoomiyihii hore xilka laga fariisiyay da’diisa oo uu xusay inuu dhaafay 65 sano.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraal xafiiskiisa ka soo baxay waxaa uu xilka kaga qaaday Guddoomiyaha Maxkamadda sare Ibraahim Iidle Suleymaan, isagoo u magacaabay xilkaas Baashe Yuusuf Axmed oo ah nin dhalinyaro ah.

Dhagayso waraysi ay la yeelatay Gudoomiyaha VOA



Puntlandes.com

About The Author