Mudaharaad ballaaran oo looga horjeedo Somaliland oo ka socda Laascaano

28 May 2018 (Puntlandes) Mudaharaad ballaaran ayaa ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool, kaas oo lagaga hor jeedo caburin ay Somaliland ku hayso dadka ku dhaqan magaaladaas.

35a6

Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay bartamaha magaalda Laascaanood waxaana la maqlayaa rasaas xoogan oo ay ridayaan ciidamo isku dayaaya inay xakameeyaan mudaharaadka socda.

Ciidamada maamulka Somaliland ayaa adeegsanaya rasaas xoogan si ay u kala cayriyaan dadka mudaharaadaaya hase ahaate dadweynaha ayaa iyaguna kala hor tegey kacdoon xoogan.

Dadka mudaharaadaaya ayaa ku qaylinaaya ereyo ay kaga soo horjeedaan in maamulka Somaliland uu kusii sugnaado magaalada gobalka Sool, sidoo kale dadweynaha ayaa dalbanaaya in xoriyadooda lasiiyo tobanaan qof oo ay Somaliland ku xirtay magaalada Laascaanood.

Mudaharaadada ka socda Laascaanood ayaa kusoo aadaysa xili xiisad dagaal oo u dhaxaysa Puntland iyo Somalailand ay ka socoto gobalka Sool, isla markaana ay Somaliland dadweyne fara badan ku xir-xirtay magaaladaas.

Puntlandes.com

About The Author