Maamulka Somaliland oo Ciidamo Milateri ah ku caburinaya shacabka reer Laascaano

29 May 2018 (Puntlandes) Maamulka Somaliland ayaa xalay ciidamo militari ah soo dhoobay inta badan xaafadaha magaalada Laascaanood oo shalay uu ka dhacay muddaharaad looga soo horjeedo joogitaanka Somaliland ee degmadaasi iyo guud ahaanba gobolka Sool, laguna taageerayey Ciidanka Difaaca dawladda Puntland oo wada hawlgalo lagu xoraynayo.

35a6

Wararka saaka halkaasi ka imaaanaya ayaa sheegaya in ciidamo ku lebbisan tuutaha militariga Somaliland lagu arkayo xaafadaha kala duwan ee ay ka koobantahay magaalada Laascaanood.

Qaar kamid ah dadweynaha magaalada ayaa sheegay in ciidamadan militariga ah loo keenay si ay u u caburiyaan una xakameeyaan muddaharaadyada maalmihii u dambeeyay ka socday magaalada,kadib markii Booliisku ay xakameyn waayeen.

Muddaharaadyo lagu taageerayo dagaalka ay Puntland ku dhawaaqday ee lagu soo celinayo degaannada maqan ee gobolka Sool ayaa maalmahan ka socday degmadaasi, waxaana ka dhashay khasaare dhaawac iyo burbur hantiyeed, sidoo kale Booliiska Somaliland ayaa muddaharaadkii shalay ku xiray shacab ka badan 100 ruux oo u badan dumar iyo carruur.

Dadka lagu xiray Laascaanood ayaa waxaa sidoo kale ku jira weriyaal ka hawlgala Warbaahinta madaxabannaan iyo waxgarad ay Somaliland ku eedaysay in ay kicinayaan shacabka.

Xaaladda degmada Laascaanood ayaa ah mid cakiran,waxaana aad u yar isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee magaalada dhexdeeda, iyadoo shacabka lagu amray in aysan isu imaan karin,sida ay sheegeen dad ku sugan halkaas oo aan la hadalnay.

Puntlandes.com

About The Author