Dhagayso: Taliska Ciidanka Difaaca Puntland oo caddeeyey in Laascaano dhawaan la xorayn doono

29 May 2018 (Puntlandes) Gudoomiyaha gobalka Nugaal ahna Taliye sare oo katirsanaa Guutooyinka ciidamada Difaaca ee Puntland Col, Cumar Cabdullaahi Faraweyne oo kusugan Jiidaha Dagaalka ee Gobalka Sool ayaa si rasmi ah u cadeeyey in dharbaaxo xoog badan ay ku dhici doonto ciidamada Somaliland.

35b2

Faraweyne ayaa wuxuuna sheegay in gabi ahaanba meesha laga saaray mad-madowyo horey u jiray, gaar ahaana keenay in dagaaladii lasoo dhaafay ciidamadu dib uga soo baxaan goobihii ay qabsadeen.

Col, Faraweyne wuxuu sheegay in ay soo dhawaatay dharaartii kala baxa, isla markaasna ciidamada Difaaca ee dawladda Puntland ay hadda kaabiga ku hayaan magaalada Laascaano, dadka magaaladaas oo dhib xoog badan lagu hayay tan iyo shalayna lasoo afjari doono saacadaha iyo maalmaha nagu soo beegan.

Faraweyne ayaa sheegay in ay tanni ka dhigan tahay talaabo Milateri oo aan qarsooneyn, wuxuuna sheegay in aan Qaramada Midowbay iyo Beesha Caalamka midkoodna joojin Karin howlgalka ciidamada Difaaca ee dawladda Puntland.

Korneylku wuxuu kaloo daaha ka rogay in goobta dagaalka ee kala bixida ay tahay Xaduuda Puntland ay la wadaagto gobalada Waqooyi ee Soomaaliya, gaar ahaana deegaanka Caynaba, isla markaasna howlgalka 3aad ee ciidanku uu noqon doono mid halkaas ku joogsada.

Dhagayso Gudoomiayaha Gobolka Nugaal Col Faraweyne

Hoos ka dhagayso khudbadii madaxweynaha


Puntlandes.com

About The Author