Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan oo gaaray magaalada Baraawe

Madaxweynaha Koofur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta gaaray magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo noqoneysa xarunta Maamulka Koofur Galbeed.

1198

Wafdiga madaxweynaha oo ka mid ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed ayaa diyaarad Helicopter ah ka soo qaaday magaalada Baydhabo, iyadoo lagu soo dhoweeyay Baraawe.

Shariif Xasan oo xilka Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed loo doortay bartamihii bishii November ayaa booqashadiisan ay tahay tii u horeysay oo uu ku tago Gobolka Shabellaha Hoose oo qeyb ka ah saddexda gobol ee uu ka kooban yahay Maamulka Koofur galbeed oo kala ah Bay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Maamulka Koofur Galbeed ayaa xarun ka dhigan doona dhawaan magaalada Baraawe oo ah magaalo deked leh, iyadoo dhowaan la filayo in Shariif Xasan uu soo dhameystiro xubnaha Wasiirada ee maamulkiisa.

Puntlandes.com

About The Author