Maamulka Somaliland oo xanibaad ku soo rogtey Telefishanada SBS Tv & SOMNEWS

29 May 2018 (Puntlandes) Wasaaradda warfaafinta Somaliland ayaa qoraal ay soo saartay maanta waxay ku sheegtay in SBS iyo SOMNews laga joojiyey inay ka shaqeeyaan Somaliland oo ay ku xadgudbeen sharciga saxaafadda ee Somaliland.

35b4

Telefishanka SOMNEWS ayaa baahiyey shir saxaafadeed ay qabteen cuqaasha Laascaanood qaarkood oo ay uga hadlayaan sida ay uga soo horjeedaan joogi taanka Somaliland ee Sool, waxaana ay sheegeen in ay yihiin dad lagu soo duuley oo xoog lagu haysto, waxaana war saxaafadeedka lagu sheegay in sababtaas xayiraadda lo saarey.

Telefishanka SBS ayaa maalintii shalay baahiyey haween, iyo dhalinyaro mudaaharaadey oo ka cabanaya sida maamulku ula dhaqmey awooda xad-dhaafka ah ee loo adeegsadey, iyo sida xabsiyada looga buuxiyey.

Magaalada Laascaanood ayaa caburrin xooggan la saarey waxaana Somaliland ku haysataa si xoog. Maamulka Somaliland ayaa la daalaa dhacaya sida ay u xakameyn lahaayeen carrada bulshada Sool taas oo ku baaheysa baraha bulshada iyo warbaahinta.

Dhanka kale waxaa xasbiga la dhigey haween iyo caruur gaaraya 100, waxaana ka mid ah dadka la xiray laba weriye oo kala ah Cabdiraxmaan Keyse Tungub iyo Maxamed Axmed Bidhaanshe. Ciidamada Booliska ayaa gurigiisa tegey oo baarey weriye Mukhtaar Cabdi Jaamac oo ah wakiilka gobolka Sool ee Telefishanka SOMNEWS ee hadda la mamnuucay, waxaana wararku sheegayaan in Boolisku weli goobayo.

Haddii ay jiraan Hay’ado xuquuqul insaanka u dooda waxay ka hadli lahaayeen xadgudubka ka dhanka ah bani’aadanimada ee uu maamulka Somaliland ku hayo shacabka gobolka Sool.

Puntlandes.com

About The Author