Daawo Video: qaar ka mida Isimada Dhulbahante oo Buuhoodle Kaga Dhawaaqay War Kadhan ah Somaliland Taageerayna Ciidanka Puntland

29 May 2018 (Puntlandes) Qaar ka mid ah Isimada gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn oo kulan ku yeeshay magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn oo qaarkood ay qadka telefanka kaga qayb galeen ayaa ka hadlay dagaalka ka bilowday gobolka Sool oo ay Puntland uga xoraynayso Somaliland.

35b6

Isimada ayaa waxay ay garab istaageen taageereen ciidanka difaaca Puntland, iyagoo ugu baaqay Muuse inuu Ciidamadiisa kala baxo dhulka Puntland.

Suldaan Siciid Cismaan Cali iyo Garaad Saleebaan Buraale ayaa ka hadlay shirkii ay ku qabteen magaalada Buuhoodle, waxaana dhanka khadka telefanka kaga qaybgalay boqor Cabdullaahi Axmed Cali iyo Garaad Saleebaan Garaad Maxamed.

Garaad Saleebaan garaad maxamed, iyo garaad Saleebaan buraale, Suldaan Siiciid, Boqor Cabdilaahi Dabagooye oo maanta Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ay Taageersan yihiin Dagaalka looga saarayo jeegaanland deegaanada sool sanaag iyo cayn

Daawo Isamada

Puntlandes.com

About The Author