Maqaal: Muuse Biixi Qaran Baynu Ku Dooranay Laakiin Qabiil, Dagaal Iyo Burbur Buu Inagu Hogaamiye. By, Baashe Cali Jaamac

35b9

Waxaan jeclaan lahaa in Shacabka Somaliland la qaybsado mudadii yarayd ee Madaxweyne Muuse Biixi dalka ka talinayey siduu u burburinayo tacabkii 27 sano, fashilka iyo guuldarooyinka siyaasadeed ee uu dalka ku sii wado.

DILDILAACI DOORASHADA:

Waxay ahayd markuu doorashadii ku guuleystay siduu doonoba ha ku helee, inuu xooga saaro siduu u awdi lahaa dildilaacii doorashada, si uu Madaxweyne ugu noqdo dadkii u codeeyey iyo kuwii ka codeeyeyba, gaar ahaan beelihii ama degaamadii 80% ka codeeyey sida Beelaha Garxejiska iyo Dhulbahantaha, arintaas wuu ku fashilmay oo afkuu u taagay, waana ta ilaa maanta dhibteedii taagan tahay oo shacabkii dalku kala qaybsan yahay, iyadoo weliba ay DHULBAHANTAHA u sii dheertahay AWOOWEYAASHIIN IYO AABAYAASHIIN BAAN CAYDHSAN JIRAY.

DAGAALKA TUKARAQ:

Weerarkii Tukaraq wuxuu ahaa mid khalad ah oo ka baxsan hab dhaqankii Somaliland, nidaam nabadgelyeedkii lagu soo caano maalay iyo qorshihii Guuleystay ee 27 sano la raacayey, adeegsiga xoogu ma ahayn dhaqanka Somaliland, dadka iyo dhulka uu ku haliilayey waa kuwii isdiiwaangeliyey ee codeeyey, wuxuu kiciyey oo shaki iyo mugdi geliyey dadkii degaanka ahaa iyo maamulka Puntland, wuxuu bilaabay aflagaadooyin qaaqaawan oo aan masuuliyada Madaxweynenimo ku wanaagsanayn, xumaan mooyee aan wanaag soo kordhinayn, waxaa khatar ku jirta midnimadii iyo jiritaankii Somaliland, isagoo ciidamada dib u soo celintooda u diidaya in la yiraahdo Mujaahid Muuse baa dib u gurtay, taasoo uu ka doorbiday in Somaliland burburto, dagaalka Tukaraq ee maanta Somaliland ku jirtaa ee uu marba Golayaasha iyo Xisbiyada ka ansaxsanayaa waa mid ku yimid khaladka Madaxweyne Muuse. Markasta oo dagaalku sii socdana waxaa khasaaraya Somaliland, sidoo kale wuxuu baabiiyey tacabkaygii AWRBOOGAYS IYO ADHICADEEYE.

Dagaalka Tukaraq haduu sii socdo Somaliland wuxuu ka kaxayn doonaa Qaranimadii iyo Dawladnimadii, wuxuuna cadeeyey in dalka Somaliland sheeganayso Hargeysa iyo Burco maahee intiisa kale lagu muransan yahay, mana dhacayso in Soomaaliya iyo Somaliland wada hadlaan ilaa inta meel laga saarayo muranka Sool, Sanaag iyo Cayn, taasoo sii laalaysa aqoonsigii Somaliland ku taamaysay, waayo cidna aqoonsan mayso, Dhul qabiil ahaan loogu muransan yahay, xuduudii Ingiriiska oo aan heshiis lagu ahayna ma shaqaynayso.

DAGAALKA DAWLADDA FEDERAALKA SOMALIA:

Wuxuu weerar aan laga fekerin oo loo baahnayn ku qaaday Dawlada Federaalka Soomaaliya, isagoo ka bilaabay Madaxweyne Farmaajo oo Garoowe booqanayey, taasoo horseeday heerka uu maanta marayo xidhiidhka Somaliland iyo Dawlada Federaalku, kaasoo gaadhsiisan in Somaliland loogu yeedho GOONI-U-GOOSATO.

Madaxweyne Muuse markuu dagaalka iyo aflagaadooyinka meelaha qaarkood gaadhsiinayo miyaanu ogayn in Dawladda Federaalka Soomaaliya hawlo badani Somaliland iskaga xidhan yihiin, oo loo baahan yahay in si wanaag oo farsamo ku dheehan tahay lagu dhameysto, maxaa ku kalifay inuu weerarkii Tukaraq la eegto booqashadii Madaxweyne Farmaajo? Muxuuse u qadarin waayey shacabka Sool, Sanaag iyo Cayn, markuu leeyahay Caroolay anigu waan seexanayaa, Madaxweyne Farmaajose ma imaan karo?

SIYAASADA DIBADA IYO DALALKA DERISYADA:

Dhamaan wuu ku fashilmay ama hoos buu u dhacay xidhiidhKii wadamada derisyada ama beesha Caalamka, cidkasta oo soo booqataana waxay kala soo noqonaysaa isfaham la,aan, siyaasad maaha Imaaraadka ayaan xidhiidh la leeyahay, Reer Somaliland ha ogaadeen in Xidhiidhka ay Imaraadka la leeyihiin aanu waxba ka duwaneyn kan ay Puntland la leeyihiin.

Mashruucii maalgelinta Berbera wuxuu geliyey khalkhal iyo muran, hadii aynu dagaaladan ku jirnana waxaad arki doontaan iyadoo cid waliba gadaal gadaal inooga baxday oo gadoon iyo dib ugu laabanay qabaail.

Ugu dambeyn shacabka Somaliland waxaan u sheegayaa dagaalka Tukaraq ee maalin walba Madaxweyne Muuse Biixi sida qabiilaysan idiinku muusanaabayaa wuxuu muran gelinayaa dhulkii, xuduudihii iyo jiritaankii Somaliland, habkii aanu wax u wadnayna wuu ka leexday, dariiqa aynu haynaa waa kii burburka iyo dib u dhaca, haddii lagu sii daba socdana waxaa la gaari doonaa meel aan waxba laga qaban karin, ciidankii qarankaa dhaqaaqay guul maaha, sidaasdarteed waxaan ku baaqayaa in shacabka, Goleyaasha, Xisbiyada, Madaxdhaqameedka iyo waxgaradka layska kaashado sidii Somaliland loo badbaadin lahaa oo looga soo qaban lahaa godka madow ee Madaxweyne Muuse ku sii wado, Haddii kale kii 1960 mid ka sii daran baa lagu dhacayaa.

ALLAA MAHAD LEH

Baashe Cali Jaamac

About The Author