XOG: Shir u socday Horgolada Somaliland ee G Sool, Saraakiisha ciidamada ee kusugan Tukaraq, Cali Khaliif oo guuldarro kusoo dhamaaday hadda?

29 May 2018 (Puntlandes) Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaano ee xarunta gobalka Sool ayaa sheegaya in uu hadda soo dhamaaday kulan ka socday Saldhiga ciidamada Somaliland ee GOOJA-CADE kuyaala, kaas oo ay ka qeybgaleen Afhayeenka baarlamaanka, Wasiiro, Cali Khaliif Galeyr iyo Taliyaha ciidamada Somaliland oo ay wehliyeen Saraakiisha ka soo jeeda gobalada Waqooyi ee kusugan Jiidaha Tukaraq.

29

Kulankaas ayaa looga hadlay xog sheegaysa in ay Puntland ka go’an tahay dagaal adag oo ay kusoo qaado magaalada Laascaano xili kasta lafilan karana, haddana aysan jirin ilaa hadda maleeshiyaad u dhashay Laascaanood oo aan la keenin Jiidaha dagaalka.

Taliyaha ciidamada Somaliland Nuux Taani Ismaaciil wuxuu ka muujiyey walaac xoog badan oo sheegaysa in aysan ciidamadiisu saacado dheeraad ah iska difaaci Karin weerar uga yimaada Puntland, wuxuu sheegay in weeraradu ay dhinacyo badan uga wajahan yihiin, Aagaguna ku badan yihiin, una baahan yahay maleeshiyaad badan.

Taani ayaa ku goodiyey in lagu dagaalami doono gudaha magaalada Laascaano, isagoo taasi ugu hanjabay Horgolada Hargeysa oo uu sheegay in ay yihiin kuwa aan matalaad ku laheyn magaalada iyo gobalkaba.

Cali Khaliif oo madasha ka hadlay ayaa si cataaba u yiri in aan lagu dagaalamin magaalada, ciidamadana ay keeni doonaan maalmaha soo socda, wuxuuna sheegay in uu la kulmayo berrito waxgaradka magaalada Laascaanood, xili la og yahay xaqiiqada taagan.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaano ayaa sheegaya in magaalada laga dareemayo dhaqdhaqaaq xoog leh oo ay wadaan maleeshiyaadka maamulka Somaliland, gaar ahaana kuwa Ilaalada u ah xubnaha ku sugan oo ka walaacsan xaaladda taagan, maadaama uu Nuux Taani usoo sheegay war dhiilo colaadeed xambaarsan.

Is qabqabsiga iyo niyadjabka maleeshiyaadka laga keenay gobalada Waqooyi iyo kuwa u dhashay gobalka Sool ayaa sii kordhayey saacadihii ugu dambeeyey, waxaana muuqata in ay meesha ka baxday Is aaminadii wixii ka dambeeyey 24-kii bishan oo ay ciidamada DIfaaca Puntland weerar adag ku qaadeen difaacyada maleeshiyadka Hargeysa.

Labadii habeen ee lasoo dhaafay xubnahan ku sugan magaalada Laascaano waxay hoy ka dhiganayeen xerooyin ciidan cabsida ay ka qabaan kacdoon xoog leh oo uga bilowda gudaha magaalada, haddii uu jiido badan ka bilowdo dagaal culus oo qarxa.

Shacabka ayaa balan ku qaaday in ay awoodooda isticmaali doonaan, isla markaasna iska dulqaadi doonaan ciidamada maamulka Hargeysa oo hadda xaaladdu fashil ka marayso, waxaana Suuqyada maanta lagu kala gadanayay rasaasta hubka fudud.

Puntlandes.com

About The Author