Akhriso Shirkii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo si adag looga hadlay duulaanka Somaliland kusoo qaaday PL

1.Abdalla Guure

Madaxtooyada Dawladda Puntland
War-saxaafadeed

TIX/001005/2018
May 31, 2018

Shirkii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo shir-guddoominayey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa waxaa looga hadlay Duulaanka uu Maamulka Hargeysa kusoo qaaday deegaamada Puntland iyo Hannaanka Cadaaladda Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Duulaanka uu Maamulka Hargeysa kusoo qaaday Deegaamada Puntland:

Golaha xukuumadda Dawladda Puntland ayaa ku dheeraaday duulaanka lagu soo qaaday Puntland iyo caburinta iyo xariga joogtada ah ee lagu hayo shacabka degmada Laasnaacood, sidoo kale waxay goluhu u sheegeen guud ahaan  shacabweynaha Puntland in duulaan lagu hayo dalkooda iyo jiritaan-kooda loona baahan yahay inay garab istaagaan Dawladdooda iyo ciidamadooda u taagan difaaca dhulkooda.

Sidoo kale goluhu wuxuu caddeeyay duulaanka lagu soo qaaday Puntland inaan laga faa’iidi-doonin, isla’ markaana Puntland ay soo celin-doonto dhammaan deegaamada ka maqan, wuxuuna goluhu ku celiyay dhibaatada loo geystey shacabka Laascaanood in uu mas’uuliyadeeda qaadi-doono Maamulka Hargeysa.

Hannaanka Cadaaladda Dawladda Federaalka Soomaaliya:

Golaha xukuumadda Dawladda Puntland ayaa sheegay in loo baahan yahay hannaan garsoor oo Federaal ah oo abuuraya heerar maxkamado kala qeexaya awoodaha federaalka iyo mida Maamulada dalka ka jira, isla’ markaana ka madax-bannaan hay’addaha fulinta dalka, waxayna wasaaradda cadaaladdu u qeybisay golaha xukuumadda qabyo qoraal ay goluhu ka doodi—doonaan todobaadka ka dambe.

—DHAMMAAD–

Provided by Puntland Government Secure System

About The Author