DAAWO Wasiir Maxamud Caydiid Dirir”awalba Beesha Jaamac Siyaad ayaa siday Somaliland iyaduna hada way iska dhigtay”

10 June 2018 (Puntlandes) Wasiirkii hore Wasaaradaha Qorsheynta iyo Warfaafinta dawladda Puntland Eng Maxamud Caydiid Dirir oo ka hadlay hawlgalka xoraynta dhulka uu maamulka Jeegaantu haysto ayaa sheegay in la xorayn doono dhulkaas.

37

Wasiirka ayaa Mahad Cabaashe oo haysta Ciidamo ka dhinac dagaalamaya kuwa Muuse Biixi kana soo jeeda Beesha Jaamac Siyaad oo la qalday ayaa ugu baaqay inuu dhibka dadkiisa ka daayo.

Wasiirka ayaa uga digay maamulka Jeegaanta in waqtigoodii uu soo idlaaday isagoo sheegay in awalba Beesha Jaamac Siyaad ay siday maamulkaas iyaduna ay hada iska dhigtay oo ay tahay Harti iyo daarood waxay yihiin.

Ugu dambayn waxa uu ugu baaqay maamulka Muuse Biixi inay wiilashooda kala baxaan inta ay goori goor tahay.
Daawo muuqaalka

Puntlandes.com

About The Author