Nuur Shiire Cismaan,”Dowladda Puntland yaysan dhayalsan hanjabaadii Feysal Cali Waraabe”

11 June 2018 (Puntlandes) Guddoomiyaha guddiga sare ee warbaahinta Puntland Nuur Shirre Cusmaan ayaa dawladda Puntland ugu baaqay inay aad isaga xil saarto ammaanka ardayda reer Puntland ee wax ka barata gobolada Soomaaliland.

37a8

Nuur Shirre Cismaan oo ah rug cadaa saxaafadeeed ayaa waxaa uu ku taliyay inaan la dhayalsan hadalkii Faysal Cali Waraabe kasoo yeeray ee ahaa in la laayo ardayda reer Puntland ee waxka barata Borama iyo Hargeysa.

“Waa in Madaxda Puntland ay arrinta gaarsiiso ururada caalamiga oo dhan iyadoo Faysal loo aqoonsanayo in u yahay gacan ku dhiigle. Waayo mar haddii uu amarka bxiyey isaga iyo midka wax dilaa waa isku dembi.” ayuu yidhi Nuur Shirre Cismaan.

Nuur Shirre ayaa dhinaca kale sheegay in dawladda federalka ay ku caddaatay in aan taladeeda iyo garashadeedu ka badnayn Madaxtooyada ayna caddaatay in aaney garan cidda ay masuulka yihiin, iyagoo ku jahwareersan aqoon la’aanta iyo waayo aragnimo la aanta ka haysata dawladnimada.

Waayo wuxuu sheegay haddii ay garasho jirto kama aamuseen dilka Faysal Cali waraabe ku xukumay ardayda Soomaaliyeed ee wax ku barta gobolada Waqooyi.

Puntlandes.com

About The Author