Dhalinyaro reer Puntland ah oo safar u ahaa Hargaysa oo maamulka Jeegaantu afduubteen!!! Baaqii Faysal oo la fulinayo!!

12 June 2018 (Puntlandes) Wararka ka imaanaya deeganka Oog ayaa sheegaya in maamulka Jeegaanta oo fulinaya baaqii Faysal Cali Waraabe ay afduubteen dhalinyaro reer Puntland ah oo safar u ahaa Hargaysa.

37b7

Dhalinyaradan oo reer Puntland ah oo tiradoodu ay tahay 4 ayaa ku safrayey baabuur nooca Noohada loo yaqaan, waxay ku socdeen magaalada Hargaysa ee xarunta maamulka Jeegaanta, iyagoo ka yimid magaalada Garowe.

Labo wiil oo ka mid ah dhalinyaradan oo magacyadooda la kala yiraahdo Axmed Cabdixakiin Cigaal Caymo iyo Cabdinaasir Axmed Xuseen Guray ayaa waxay kusii jeedeen dalka Koonfur Afrika oo ay Markii hore ka yimaadeen, iyagoo Hargaysa kasoo dagay Markii hore haddana ka dhoofi lahaa.

Labada kale ayaa mid ahaa wadihii gaariga Noohada, waxaana magaciisa la yiraahdaa Axmed C/saalaan faarax, halka kan 4aadna magaciisa la dhaho C/llaahi maxamed Cali wuxuuna la socday isna gaariga.
Dhalinyaradaas ayaa ciidamada maamulka Jeegaantu ka afduubteen Deegaanka Oog, xalay abaara Markii ay saacadu ahayd 10kii cawaysnimo, iyagoo ah dad shacab ah oo ku safarayey wadada isku xirta Garowe iyo Hargaysa.

 

Afduubka dhalinyaradani waxay muujinaysaa in maamulka Jeegaantu uu fulinayo baaqii Faysal Cali Waraabe iyo sida ay khatar u tahay ku safrida wadada isku xirta Garowe iyo Hargaysa,iyadoo banaanka keenaysa khatarta ay ku sugan yihiin Ardayda reer Puntland ee gudaha Somaliland waxbarashada u joogta ama dadka shacabka ah ee degen halkaas.

 

Ilaa hadda lama yaqaan halka loo kaxaystay dhalinyaradaas iyo inay nool yihiin iyo in kale.

Puntlandes.com

About The Author