XOG: Kulan caawa ka dhacaya magaalada laascaanood oo u dhaxeeya saxaafada gobolka Sool & madaxtooyada Somaliland

12 June 2018 (Puntlandes) Warar hoose oo aan ka helayno magaalada laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya inay xalay ay magaalada yimaadeen wefti ka socta madaxtooyada Somaliland kuwaas oo qoshahoodu yahay sidii loo furfuri lahaa saxaafada gobolka Sool si ay xaqiiqda ka jirta gobolka ay u daboolaan.

36a1

Xubnahan ay soo dirtay madaxtooyadu ayaa waxaa horkacaya la taliyaha Muuse Biixi ee arimaha bulshada Cabdiwaaxid C/qaadir iyo shaqaale kale oo ka tirsan madaxtooyada kuwaas oo loo soo diray sidii ay saxaafada gobolka Sool ugu xiri lahaayeen madaxtoyada mushahaaraad joogto ahna loogu qori lahaa si meesha looga saaro saxaafada mucaardka ah ee la safan bshaa.
Hadaba wariyeyaasha gobolka Sool ayaa u qaybsan laba qaybood, qayb uu horkacayo Mukhtar Abdi Jamac oo iyagu ah suxufiyiin firfircoon, inta badana ka hadla xaqiiqda gobolka ka jirta iyo sidii caalamka loogu soo bandhigi lahaa dhawaana lagu xiray laascaanood, halka qaybta kale tahay koox  xidhiidh dhow la leh madaxtooyada Somalialnd

Saxaafadda gobolka Sool ayaa maanta iyo xalay yeelanayay kulamo gaar gaar ah iyo sidii ay uga hortagi lahaayeen qorshahaas abaabulan ee afka looga xidhayo saxaaada gobolka.

Ilo ku dhow dhow madaxtooyada Muuse Biixi ayaa noo xaqiijiyay inuu jiray kulamo gaar gaar ah oo saxaafad gobolka ay madaxtooyadu la yeelatay wuxuuna sarkaalkaasiii sheegay inuu is afgarad ku dhamaaday kulankaasi kulanka labaadna lagu balamay laascaanood oo ah kulanka ka foolka foolka ah

Waxaana idin soo Gudbiin doona liiska wariyeyaasha kulanka ka qaybgali doono iyo kuwa diidanba.

Eid Mohamed Dirie

Puntlandes.com

About The Author