Daawo Video: Xildhibaan Canab Xasan Cilmi oo ka Hadashay Xaaladda Laascaanood Fariin adagna u dirtay Somaliland & IGAD

14 June 2018 (Puntlandes) Xildhibaan Canab Xasan Cilmi oo laga soo doorto Puntland gaar ahaan gobolka Sool ayaa ka Hadashay Xaaladda ay ku sugan yihiin shacabka Laascaanood, waxayna sheegtay inaan la aqbali karin in beeli beel yeelato.

38a2

Xildhibaanada ayaa fariin adagna u dirtay maamulka Jeegaanta ee Muuse Biixi iyadoo u sheegtay inaysan u suurtoobi doonin caburin iyo xoog inay ku haystaan dhulka Puntland. Sidoo kale waxay baaq u dirtay Horgalada u adeegaya Muuse Biixi iyadoo ugu baaqday inay dadkooda dhinac ka raacaan.

Dawladda Puntland ayey Xildhibaanadu ugu baaqday inay dhulkaas ka maqan si deg deg ah usoo celiso oo ay ka xorayso hororka Muuse Biixi ee shacabka maalinta Ciida dhibaataynaya.

Ugu dambayntii waxay Xildhibaanadu digtay ururka IGAD oo la sheegay inay wadaan waan waan uu doonayo Muuse Biixi, iyadoo u sheegtay inaysan soconayn taasi.

Daawo Video: Xildhibaan Canab Xasan Cilmi oo ka Hadashay Xaaladda Laascaanood Fariin adagna u dirtay Somaliland & IGAD

Puntlandes.com

About The Author