Daawo Video: Madaxda Puntland oo ku kala aragti duwan wada hadalka DFS iyo Somaliland

Gaalkacyo(Pes) Madaxda ugu saraysa dowladda Puntland ayaa aragtiyo kala duwan ka muujiyay wada hadalka DFS iyo Somaliland u dhaxeeya, ka dib markii maanta uu madaxwayne Gaas sheegay inuu soo dhawaynayo wada hadalka labadaasi dhinac ayna la socon doonana wixii kasoo baxa.

1213

Hadalkan ayaa meesha ka saaraya aragtida uu madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camay oo kasoo jeeda Gobaladda Sool iyo Cayn ka muujiyay wada hadalka, isagoona sheegay haddii aan la ballaarin ay u aqoonsan doonaan shir beeleed.

Hadaba Halkan hoose ka daawo hadalkii uu madaxwayne Gaas kusoo dhaweeyay hadalka DFS iyo S-land eeg daqiiqada 3:44

Dhinaca kale bilowgii bishaan dhamaadka ah ee December ayaa madaxwayne ku xigeenka Puntland wax laga waydiiyay wada hadala Muqdisho iyo Hargaysa xili uu ka qayb galayay xuska maalinta Aydhiska aduunka, wuxuna tilmaamay Puntland inaysan macne badan u yeelan doonin wixii kasoo baxa wada hadalka haddii aan la ballaarin sida uu dhalka u dhigay.

Hadalkan ka daawo aragtida madaxwayne ku xigeenka Puntland.

Puntland oo qayb ka ah dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa marar badan ku cel celisay inaysan raali ka noqon doonin wada hadalka DFS iyo Somaliland haddii aan xubno Puntland matalaya lagu darin, waxana sidoo kale arrintaasi lagu soo hadal qaaday heshiiskii Garowe ku dhexmaray DFS iyo Puntland oo sida xogtu lagu helay heshiiskaas laga reebay qodob ka hadlaya in Puntland wada hadalka laga qayb galiyo.

Puntland iyo Somaliland ayaa ku muran san Gobaladda Sool iyo Sanaag, waxana dhowr jeer dagaalo ku dhexmareen Goboladaas waxaana ku dhintay dad kala duwan iyadoona aan heshiis rasmi ah laga gaarin, xitaa Puntland ayaa Somaliland ku eedaysay inay Al-Shababku u soo dhexmaraan deegaanadda ay xukumaan.

 

 

 

About The Author