Saamayn intee le’eg ayuu ku lahaanayaa Puntland Heshiiska Somaland iyo DFS?

Heshiiska maanta 21 dec -14 ay ku gaareen dalka Jabuuti Somaliland iyo DFS ayaan waxaam Puntland u joogin cid si toos ah u matasha, waxaana halkaas u matalayey madaxweynaha DFS Xasan Sheekh oyo la taliyihiisa gaarka ah C/kariim Axmed Guuleed. Heeshiiskan waxa uu aha amid aad u mugwayn saamaynayana midnimadii dalkii la oran jiray Somalia. Marar badan ayey dawlada Puntland gaar ahaan xiligii uu Dr Faroole madaxda ka ahaa Puntland in cida wax ka dhaxeeyaan Somaliland ay tahay Puntland ayna tahay lama huraan haddii la doonayo xal in ay dawlada Puntland qayb ka ahaato goobta lagu wadohadlayo.

Waa lagu gacansayray soo jeedintaas oo xataa waxay labada dhinac ka ilaaliyeen dadka wadahadalka ka qaybgalaya in Shaqsiyaad ka tirsan dawlada Somalilnd ama DFS oo ka soo jeeda Puntland ama oodwadaag yihiin lagu daro.

Somaliland waxaa Puntland ka dhexeeya Xuduud dheer waxayna iminka haysataa dhul baaxadwayn oo ka tirsan Puntland iyadoo xoog ku qabsatay.Dhulkaas Somaliland waxay u aqoonsan tahay in ay iyadu leedahay maxadweyne Xasan iyo saaxiibkiis Cabdikariim na waxay ku shaqaynayaan in ay Puntland wiiqaan oo dhul ahaan iyo awood ahaanba wiiqaan.

Madaxweynaha Puntland Gaas oo safar dheer ka dib ku soo laabtay dalka maanta waxa uu sheegay in ay soo dhawaynayaan wadahadalada u socda Somaliland iyo DFS. Su’aasha in Gaas la waydiiyo mudan waa halkee xuduud u noqonaysa Somaliland oo madaxweyne xasan u aqoonsandoonaa Somaland. Jawaabteeda waxaa shacabka reer Puntland ka sugayaa madaxweyne Gaas.

Halkee ayuu ku dambayndoonaa dhlka Puntland ee Somaliland haysato? Halkeese ku wadaa Puntland madaxweyne Gaas? Oo meeshii uu ilaalin lahaa u hiilinaya kuwa duminaya

Puntlandes.com

About The Author