TACSI ku socota qoyskii uu ka geeriyooday AUN Saed Osman Cali Jagaf

INAA LILAAHI WA,INAA ILEYHEYHI RAAJIXUUN.

369

Anniga oo ku hadlaya magacayga iyo magaca jaalliyada reer Melbourne ee Australia waxaanu tacsi u dirayaa qoyskii uu ka geeriyooday addeer Saed Osman Cali Jagaf oo ku geeriyooday magaalada Melbourne ee dalka Australia 16/6/2018.

AUN Saed Osman wuxuu ifka kaga tegay 42 qof oo isugu jira wuxuu dhalay iyo waxay sii dhaleen iyo laba xaas. Saed oo ka mid ahaa Ciidamada Qalabka Sida wuxuu ka mid ahaa tababaraayaasha ciidamada wuxuuna sumcad wanaagsan ku lahaa ciidanka dhexdiisa.

Saciid wuxuu waxbarashadiisa ku soo qaatay dalka Masar iyo dalka Sacuudi Carabiya. Saciid wuxuu ahaa nin oday ah, degan oo aad uga fogaada wax kasta oo magaciisa iyo magaca dadkiisa iyo dalkiisa wax u dhimaya. Illaahay naxariis ha siiyo dambigiisana Allaha dhaafo qabrigana Allaha u waasiciyo.

 

Omar Dhollawaa

About The Author