Boqor Buur Madaw oo dib u helay xoriyadiisii ka dib mudo bil ah oo uu xirnaa.

20 June 2018 (Puntlandes) Boqor Cismaan Aw Maxamuud Maxamed Boqor Buurmadaw ayaa maanta dib u helay xoriyadiisa ka dib mudo bilo ah oo uu ku xirnaa Xabsi ku yaala Magaalada Hargaysa ee caasimada Somaliland, Boqorka ayaa horay maxkamada racfaanka ah ee Hargaysa waxay ugu xukunta mudo saddex sano ah.

2

“ Adeer soo bax uunba laygu yiri, waana wanaagsanahay, xoriyadaydiina dib ayaan u helay” ayuu yiri boqorku isagoo la hadlaya warbaahin gudaha ee soomaliland, Buurmadaw ayaa waxaa sababay xarigiisa ka dib markii uu degmada Carmo ee Puntland uga qayb galay caleemasaarkii beeldaaje Maxamed Ismaaciil isagoo halkaas ka jeediyay khudbad.

Boqorka ayaa ka hadlay colaada Ceel afwayn iyo dagaalka u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland ee ka oogan Tukaraq.

Daawo muuqaalk Boqor Buur Madow

Puntlandes.com

About The Author