Sawirro: Guddoomiyaha golaha shacabka DFS oo kormeeray xarunta golaha shacabka oo dayactir ku socdo

21 June 2018 (Puntlandes) Ku simaha Madaxweynaha JFS ahna guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta koormeer shaqo ku tagay xarunta golaha shacabka oo ay ka socoto howlo dayactir iyo qurxin ah.

Koormeerka waxaa ku wehlinaayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, Habdhowraha guud Mudane Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan “ Nuux “, Xoghayaha guud ee golaha shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi “ Buux “ iyo Xildhibaano.

Guddoomiyaha ayaa koormeeray dhamaan qeybaha kala duwan ee xarunta ay ka kooban tahay iyo qeybaha ay ka socdaan howlaha dayactirka.

Guddoomiyaha ayaa la kulmay Injineerada iyo shaqaalaha dayactirka iyo qurxinta ku wada xarunta, waxa uu ka xog wareystay howlaha sida ay u socdaan.

Daawo sawirrada
41

42

43

44

45

46

47

48

49

50

51

52
Puntlandes.com

About The Author