Wuu dayacay madaxweyne Gaas hawshii loo igmaday

Puntland oo ku fadhida dhul aad baaxad wayn una dhiganta sadex meelood oo meel dhulka Somalia, lehna Xeeb aad u dheer iyo dhul Khayraad fara badab Allah ku manaystay. Waxaa waliba intaa u sii dheer Shacab dawladnimada iyo nabada jecel in Allah ku beeray Puntland.

Waxay Puntland lahayd ka hor Isbedelkii ka dhacay 8 jan 2014 mudnaan iyo qadarin looga haayo Aduunka dacaladiisa iyo dadka ku hadla Afka Somaliga. Laakiin saniib daro ka dib Isbedelkii ka dhacay Puntland oo uu madaxweynaha ka noqday Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas waxay Puntland noqotay Nal baxayey oo Korontadii ka tagtay. Waxay noqotay Puntland meel aan laga haybaysan, la tixgelin, la maqlin cid kastaahina Hunguriyeyso.

Isbedelkii ka dib waxay noqotay Puntland meel Kabaha u qaada madaxweynha DFS oo aan wada ognahay in uu san hayn dariiq dawladnimo ee uu hayo mid Qabiileed iyo Gaar ahaaneed.Wuxuu Puntland Isbedelkii ka dhigay ”Xaafad ka tirsan Degmada Wardhiileey ee Gobokla Banaadir”

Cadawga gudaha (kuwa danahoodu yahay dhaqaale BOOBKa) iyo Cadawga dibada (Kuwa doonaya in ay BUR BURIYAAN Puntland) waa ogyihiin maanta in ay Puntland dayacan tahay waana sababta keentay in madaxweyne Xasan, CabdiQaybdiid, Oday Xaad iyo Indhocade u hunguriyeeyaan in ay Gobolka Mudug BOOBAAN. Maanta Puntland waxay noqotay meel qofkii rabaahi ku xisaabtamo ileen waa ogyahay cid kac ka dhahaysaa ma Hogaamisee.

Bal eeg maanta oo taariikhdu tahay 21 ka dec 2014 waxaa Somaliland iyo DFS ku kala saxiixdeen Dalka Jabuuti Heshiis kaasoo ay ka muuqatay in ay labo dawladood yihiin. Somaliland waxay haysataa  dhul aad u baraaran oo ka tirsan Puntland waxayna sheegataa dhulkaas in ay iyadu leedahay. Hadaba Heshiiskaas aysan Puntland qaybta ka ahayn maxuu ka yiri Dhulkaas?

Maxadweyne Gaas meeshii uu danaha Puntland difaaci lahaa ayuu wuxuu la soo booday waan soo dhawaynayaa Heshiiskaas!!! Horta ma fahmay wuxuu soo dhawaynayo mise sidii caadada u ahayd buu iyaga raali gelinayaa waa Xasan iyo Siilaanyee?

Su’aasha ay tahay in reer Puntland iswaydiiyaan waa war yaan sugaynaa oo noogu maqan in ay ilaaliyaan ama difaacaan danaha Puntland haddii madaxweynihii aanu u igmanay uu saas yahay? Yey Sugayaan shacabka reer Puntland in ay u badbaadiyaan Puntland ma madaxweyne Xasan iyo Siilaanyo, ma indhocade …..?

Puntlandes.com

About The Author