DHAGEYSO: Dood Kulul Oo Ku Saabsan RW Sharmaarke

Madaxweynaha DFS Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa 17-12-2014 u magacaabey Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke in uu noqdo Raysalwasaaraha bedalaya Cabdiweli Shiikh oo dhawaan Xildhibaanada Baarlamaanka ka waayey codka kalsoonida.

Hadaba Idaacada VOS waxa ay qabatay Barnaamij gaar ah oo aad xiiso badan oo loogu doodi doono sida ay Aqoonyahanada u arkaan Magacaabista Mr. Sharmaarke.

Asxaabta Nagala qeyb galeyso waxaa ka mid ah

Xasan Cabdi Yuusuf oo ka mid ahaa Ergada Ansixinta Dastuurka Dowlada Federaalka ee Soomaaliya, sidoo kale ka soo qeyb qaatay dhismahay Maamulka Jubaland xiligaan ne ku sugan Magaalada Geneva.

Daahir Cali Kamiin, oo ka mid ahaa Bulshada Rayidka , kana mid ahaa aas aasyaashii Jilayaal Aan Dowliga eheen.
kuna sugan Holland.

Mustaf Bashiir Gobdoon , oo ah GudoomiyahaSomali Swiis Diassporo oo ku sugan isla Holland.

Abwaan Ciire Axmed Xasan Dr. Ligle oo ku sugan Dalka Norway.

Mustaf Caadle oo ah Aqoonyahan Dhanka Culuunta siyaasada iyo Maamulka oo ku sugnaa Dalka Turkey.

Waxaa Diyaariyay Cabdiqani Cali Dalmar

Puntlandes.com

About The Author