Gabre oo laga eryay shaqadii uu ka hayay IGAD

25 June 2018 (Puntlandes) Gabre ayaa laga eryay shaqadii uu ka hayay Urur Goboleedka IGAD, kaddib qoraal ka soo baxay Xoghayaha Guud IGAD Maxbuub Macalin.

20180625_150442

Gabre ayaa ahaa La Taliyaha sare ee dhinaca siyaasadda ee Xoghayaha Guud ee IGAD, kaasoo xilkan loo magacaabay sanad ka hor.

Shaqo ka ceyrintiisa ayaa waxaa la daba dhigay warqad ogeysiis rasmi ah oo lagu caddeynayo in aanu wixii maanta ka dambeeya aanu shaqaale ka aheyn IGAD, isagoo lagu amray inuu wareejiyo xafiiska iyo wixii agab ee xafiiska ku howl galayay.

Col. Gabre oo ah Sarkaal Itoobiyaan ah ayaa lagu xusuustaa sida uu galaan gal badan ugu lahaa sanadihii u dambeeyay arrimaha Siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan waxaa uu horay uga tirsanaa Xafiiska Fududeynta Nabadgelyada iyo Dib u heshiisiinta IGAD ee Soomaaliya.

Akhriso qoraalada

20180625_143024
Warqadii digniinta
FB_IMG_1529935485378
Puntlandes.com

About The Author