Daawo sawiro: Madaxweyne Gaas baabuurta uu soo iibsaday iyo wadooyinka uu la marayo

Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Gaas ayaa dhowaan soo iibsaday baabuurta loo lagu Raaxaysto ee Laankuruusalka ah oo aan xabadu karin aadkana qaaliga u ah iyadoo ay Ciidamadii difaacayey dalka aysan helin Mushahaarkoodii iyo Xuquuqdoodii ay la haayeen muddo afar bilood ah.

Halkii baabuur waxaa qiimihiisu ku yimid inta u dhaxauysa 200000 – 250000 doolar.Afar baabuur wuxuu qiimahoodu noqonayaa 800000-1000000 doolar halka uu bixin la’yahay Mushahaarkii Ciidama, shaqaalaha dawlada, kuwa Garsoorka iyo adeegyadii dawladu ay bixin jirtay.

Madaxweyne Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 22-12-2014 magaalada Garoowe ee caasimada Puntland kaga qeyb galay kulan lagu daah-furayey dhaqan gelinta sharciga tartamada iyo hashiisyada qandaraasyada iyo waliba sidii ay Canshuurta isaga bixin lahaayeen.

Bal eega foolxumada wadooyinka uu madaxweyne Gaas ku marayo Baabuurtaas qaaliga ah
1234

1235

1236

1237

1238

1239

1240

1241

1242

1244

 

1243

 

Puntlandes.com

About The Author