Dhagayso: Madaxweyne Gaas oo magacaabay guddi dib u habayn ku samaynaya shaqalaha Puntland

Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Gaas ayaa dhowaan magacaabay guddiga Farsamada iyo dib u habaynta shaqalaha Puntland. Wuxuuna ka kooban yahay saddex xubnood oo ka shaqaynaya sidii ay dib u habayn ugu samayn lahaayeen shaqaalaha Puntland.
1233
Waxaa gudoomiye looga dhigay Guddiga Maxamed Faarax Ciise Gaashaan oo dowladdii hore ee Farole wasiiru dowle kasoo noqday, waxayna guddigan oo ah mid ka baxsan Wasaradda shaqadda iyo shaqalaha iyo Hay’adda Shaqalaha Rayidka diiradda saarayaan sidii loo ogaan lahaa tiradda shaqalaha dowladda iyo aqoontooda inta uu gaarsiisan yahay.

Gaashaan oo la hadlay Radio Garowe ayaa wax laga waydiiyay shaqadda uu qabanayo guddigan xili shaqalaha dowlada qaarkood ka cabanayaan nidaamka shaqo iyo hab mamulka wasaradda shaqada iyo shaqalaha.

Dhinaca kale Gaashaan ayaa sheegay madaxwaynaha Puntland inuu magacaabay guddi kale oo Jaamacadda Bariga Africa ka socda kuwaasoo qaadaya Imtixaanka shaqalaha dowladda, taasoo saluug laga muujiyay. Wuxuuna Gaashaan sheegeen inay ku xusheen Jaamacadda Bariga Afrika madaama ay ka shaqayso Somalia oo dhan.

Xiriir aanu la samaynay wasaradda shaqada iyo shaqalaha Puntland ayaa noo suurta gali wayday inaan wax ka waydiiyay guddigadaan uu madaxwayne Gaas magacaabay iyo siday ula socdaan, xili ay jiraan warar sheegaya inuu jiro kala aragti duwanaan arrintan ku saabsan.

Sidoo kale waxanu xiriir la samaynay Hay’adda Shaqalaha Rayidka ah balse masuulka ugu sareeya ee Hay’adaasi ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlayo.

Halkan ka dhagayso Axmed Cawil waraysi uu la yeeshay Gaashaan.

 


Puntlandes.com

About The Author