Daawo Video: Kulan lagu taageerayo ururka Calmadow oo ka dhacay Minneapolis USA

Waxaa ka dhacay magaalada Minneapolis ee dalka USA kulan lagu taageerayey ururka Haweenka ee Calmadow. Waxaa ka soo qaybgalay marti sharaf aad u fara badan oo uu ka mid ahaa Gudoomiyaha Xaafada lixaad  Cabdi Warsame.

Gudoomiye Cabdi warsame ayaa taageero lixaad leh u muujiyey Ururkaas, wuxuu kaloo xusay in ay soomaalidu isugu mid yihiin kuna dadaalayaan in ay caawiyaan intii karaankood ah. Isagoo tusaale u soo qaatay Deeq Computer ah oo u dhiganta 1100000 hal malyan iyo boqol kun oo doolar oo ay dhawaan gayndoonaan Gobolada Puntland iyadoo ay ku xigidoonto Somaliland.

Marti sharaf badan ayaa halkaas ka hadlay iyagoo taageero u muujiyey ururka calmadow. Waxaana ugu dambayn soo xirtay xaflada Gudoomiyaha ururka calmadow Deeqa Xasan Shabelle waxayna sheegtay in ururkaas loo aasaasay baahida ka taagan Gobolada ay magacooda wataan.

Daawo videoga

Puntlandes.com

About The Author