Cabdishakuur Mire ”DANTA PUNTLAND MA KU JIRTAA DOORASHO LA SOO HORMARIYO?”

Cabdishakuur Mire oo ahaan jiray wasiir hore uga tirsanaan jiray xukuumadihii hore ee Puntland ayaa dood furan oo uu shacabka reer Puntland dhexdhigay taasoo uu ku waydiinayo ”Danta Puntland mak u jirtaa Doorasho la soo hormariyo waqtigeedii”

Cabdishakuur ayaa qoraalkiisa ku cabiraya in ay ku dheertahay Shacabka Puntland  in ay sugaan jan 2019 xiligaas oo ku eg watiga loo igmaday madaxweynaha iminka Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayna ku haboon tahay si Puntland loo badbaadiyo in la soo hormariyo Doorashada lagana dhigo ugu dambayn jan 2016 ka. Qoraal uu Cabdishakuur soo dhigay barta uu ku leyahay Facebooka ayuu doodan ku furay Cabdishakuur wuxuuna u qornaa sidan.

 

DANTA PUNTLAND MA KU JIRTAA DOORASHO LA SOO HORMARIYO?

Marka dhinacyo badan la eego marxaladaha Puntland ee waqtigan…. Ma ku fekeri karaa si loo dardar geliyo hanaankii is hay-sashada iyo midnimada shacabka reer Puntland in la soo hormariyo doorashada hoganka sare ee Puntland.
Ceeb ma ahan , wax aan dhicina ma ahan in doorasho waqtigeedii laga soo hormariyo , taas oo danta dadka reer Puntland ku jirto..
Ma isku waafiqi karaa in doorasho waqtigeedii la soo hormariyey Puntland laga qabto 8 Jan 2016. si dadku Puntland markale u xaqiiqsadaan hogaanka ay rabaan si horumarka, nabadgelyada iyo jiritaankooduba toobiyaha u sii qaado.
Marwalab waa danta reer Puntland in la ilaaliyo sababihii markii hore loo asaasay Puntland. Waa danteena inaan wada ilaashano oo aynaan iska dayicin.

1246

Cabdishakuur Mire

xigasho.facebook.com/abdishakur.mire.1

Daabacaadii: Puntlandes.com

About The Author