Akhriso Guddoomiye Mursal oo qoraal ku shaaciyay in la soo xiray Kalfadhigii 3aad ee Baarlamaanka

11 July 2018 (Puntlandes) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku dhawaaqay in la soo xiray kalfadhigii 3aad ee Baarlamaanka.

43b6a

Qoraal loo kala diray Xildhibaanada Golaha Shacabka, Laguna ogeysiiyay Golaha Wasiirada iyo Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in si rasmi ah Kalfadhiga 3aad loo soo xiray 10-kii bishan July.

Guddoomiye Mursal ayaa sheegay in kalfadhiga 4aad uu furmi doono 10-ka September ee soo socoto, iyadoo wixii ka horeeyana ay fasax galayaan Xildhibaanada.

Kalfadhigii 3aad ee Baarlamaanka oo soo bilowday 10-kii bishii March ayaa markii uu furmay waxaa hareeyay qalalaaso siyaasadeed oo ka dhashay mooshin laga keenay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, kaasoo markii dambe isku casilay cadaadis uga yimid Xildhibaanada iyo Xukuumadda.

Fadhigii Baarlamaanka ayaa wixii ka dambeeyay markii la doortay Guddoomiye Maxamed Mursal waxaa uu noqday mid caga jiid ah, waxaana kulamadiisa ay ahaayeen kuwo aad u yaraa, iyadoo sidii loo fasaxay bishii Ramadaan aanay mar kale dib la isugu soo noqon, waxaana muddooyinkii kalfadhiyada Baarlamaanka uu gaabiska galay lagu macneeyay  in xarunta Golaha Shacabka uu ka socdo dayactir iyo qurxin.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka

43b6

Puntlandes.com

About The Author