Sawirro: Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo booqday Hey’adda Iskaashatada dhismaha ee Shiinaha

12 July 2018 (Puntlandes) Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa shalay booqday Hey’adda Iskaashatada dhismaha ee Shiinaha, waxaana ku soo dhoweeyay Guddoomiye kuxigeenka hey’addaasi Mudane Lu Jing.

Wasiir Axmed Cawad, oo ka qeybgalay shirka sideedaad ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Carabta ayaa isku dayaya soo celinta wax wadaagga Soomaaliya iyo Shiinaha dhinacyada beeraha, waraabka, dab ka dhalinta biyaha webiga iyo mashaariicda horumarineed ee kale ee dib u dhisidda Tiyaatarka Qaranka, Isbitaalka Banaadir iyo wadada isku xirta gobollada koonfureed iyo kuwa waqooyi.

Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha waa dowlad saaxiib la ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, xiriirka u dhexeeya labada shacab wuxuu soo taxnaa muddo ka badan 600 sano.

Daawo saeirrada
43b7

43c

43c1

43c2

43c3

43c4
Puntlandes.com

About The Author