Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo Safiir cusub u soo magacaabay Soomaaliya

12 July 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Safiir cusub u soo magacaabay Soomaaliya, kaddib muddo bilo ah oo xilkaas banaanaa, iyadoo uu iska casilay Safiirkii hore Stephen Schwartz.

43c5

Trump ayaa u magacaabay Safiirka Soomaaliya Amb. Donald Yukio Yamamoto oo ah 65 jir caan ka ah Gobolka Geeska Afrika.

Yamamoto ayaa ahaa Kusimaha Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Afrika, waxaa uu horay u soo noqday safiirka Mareykanka u fadhiyay Addis Ababa sanadihii 2006-2009.

Sidoo kale waxaa uu soo noqday Safiirka Jabuuti sanadihii 2000 illaa 2003-dii, waxaa kaloo Safiir KMG uu ka soo noqday dalka Eritrea sanadihii 1997-1998.

Magacaabidan ayaa ka dhigan sida uu Mareykanka u daneynayo arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan Safiirka uu soo magacaabay Yamamoto oo ah diblomaasi caan ka ah Gobolka oo dalalka deriska la ah Soomaaliya ka soo noqday Safiir.

Puntlandes.com

About The Author