Maamulka Jubbaland oo Kismaayo ka soo celiyay Taliyaha cusub ee qeybta 43aad

Filed under: Wararka maanta |

13 July 2018 (Puntlandes) Maamulka Jubbaland ayaa saaka garoonka diyaaradaha Kismaayo ka soo celiyay Wafdi Saraakiil ciidan ahaa oo ka yimid magaalada Muqdisho, kaasoo uu hoggaaminayay Taliyaha cusub ee qeybta 43aad ee ciidanka xoogga dalka Jen. Cali Bogmadow.

42c6

Saraakiisha Amniga ee Maamulka Jubbaland ayaa is hor-taagay wafdigan inay gudaha u soo galaan magaalada Kismaayo, kuna amray inay dib ugu laabtaan magaalada Muqdisho oo ay markii hore ka soo kicitimeen.

Maamulka Jubbaland ayaa ka soo horjeestay magacaabida Taliyaha cusub ee qeybta 43aad ciidanka xoogga dalka, isla markaana aysan waafaqsaneyn heshiiskii Qaab dhismeedka Amniga ee bishii May sanadkii hore lagu gaaray Kismaayo.

Madaxweyne ku xigeenka maamulkaas oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Qodobka 20aad ee heshiiska qaab dhismeedka Amniga uu dhigayo hanaanka loo marayo hannaanka magacaabida Saraakiisha ciidamada ee dowlad goboleedyada in marka hore lagala tashto Madaxweynaha maamul goboleedka.

Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland ayaa dhowrkii bilood ee u dambeeyay isku hayay maamulka taliska ciidamada xoogga dalka qeybta 43aad ee ciidanka xoogga dalka ee gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Lama garanayo sababta uu maamulka Axmed Madoobee uga soo horjeestay magacaabista taliyaha qeybta 43aad ee ciidanka xoogga dalka Jen. Cali Bogmadow.

Daawo muuqaalka Madaxweyne ku xigeenka Jubaland

Puntlandes.com