DEG DEG: Dabley Laascaano ku weerartay gaarigii Mahad Cabaashe (Sawirro)

13 July 2018 (Puntlandes) Wararka Warbaahinta Puntlandes kasoo gaaraya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in caawa dabley hubaysan ay weerartay gaariga mid ka mid ah saraakiisha maamulka Jeegaanta ee gobolka Sool.

Dableyda ayaa weerartay gaari uu lahaa Mahad Cabaashe oo kala shaqeeya maamulka Muuse Biixi sidii uu ku sii haysan lahaa gobolka Sool.

Wararka ayaa sheegaya in Mahad Canbaashe uusan la socon gaarigiisa markii  ay weerarkaasi u  gaysteen dabley si iskood ah isku abaabulay oo deegaanka ah.

Weerarkan ayaa noqonaya weerakii ugu horeeyey ee dabley deegaanka ah oo kasoo horjeeda haysashada maamulka Muuse Biixi ay ku qaado mid ka mid ah Horgalada ugu wayn ee maamulka Jeegaanta ee Muuse Biixi ku haya gobolka Sool.

Wax faahfaahin ah nagama soo gaarin khaaro ka dhashay weerarkaas, waxaana sawirka ka muuqda gaariga oo dhamaantiis gubtay.

Daawo sawirrada
44

44a

44a1
Puntlandes.com

About The Author