Puntland oo Doorasho Xor ah ka samaynaysa Xamar 2016 halka dhulkeedii la BOOBAYO

1248

Madaxeynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta waxa uu xafiiskiisa madaxtooyada Puntland ku qaabilay Safiirka dalka Switzerland u fadhiya Soomaaliya Mr.Dominik Langen Bakher. War Saxaafadeedkii ka soo baxay oo lagu sharxayey wixii ay ka wada hadleen madaxweynaha iyo Safiirka ayaa waxaa ka mid ahaa in dawlada Puntland u qorshaysan tahay in la helo sanadka 2016-ka in dawlada Somalia gaarto doorasho xor ah o oka dhacda magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waa sida qoraalka lagu yiriye , halkan hoose ka akhri.

Madaxeynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa mar uu ka hadlayey haykalka dimuqraadiyada Puntland ee taayirka rogtay waxaa uu sheegay in dawladda puntland uqorshaysan tahay in 2019-ka la qabto doorasho xor ah iyo weliba in la helo sanadka 2016-ka in dawladda federaalka soomaaliya gaarto doorasho xor ah oo ka dhacda magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Madaxweyne Gaas koow waxaa loo igmaday in uu Puntland ku Hogaamiyo Horumar, Cadaalad ilaaliyana midnimada dadeed iyo midka dhuleed waana Dastuuri uu ku dhaartay. Hadaba mudadii sanadka ku dhawayd ee uu Hogaaminayey Puntland waxay gaartay meel aysan abidkeed gaarin iyadoo ruux walba damaacinayo in uu cad goosto ama qaato maadaama ay aad u dayacan tahay maanta. Bal Gobolka Mudug day oo Kooxda Villa Xamar Boobayso hadaan loo istaagin difaacidiisa. Bal Sool, Sanaag iyo cayn day oo 21 kii bishan Kooxda Villa Xamar ay u xalaalaysay Somaliland hadaan la dabaqaban.

Madaxweyne Gaas ma waxaa eg in uu maanta ka hadlo Doorasho Xamar ka dhacda 2016-ka. Dhulkiisii ayuu ilaashan waayey ee Xamar muxuu ka qaban karaa mise waa Riyo ileen Riyo waa banaan tahaye.

Puntlandes.com

About The Author