Taliyaha cusub qeybta 43aad ee ciidanka Xoogga dalka oo maanta xilka la wareegaya

14 July 2018 (Puntlandes) Taliyaha cusub qeybta 43aad ee ciidanka Xoogga dalka Sareeyo Guuto Cali Maxamed Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo shalay maamulka Axmed Madoobe u diideen magaalada Kismaayo  ayaa isla shalay gelinka dambe gaaray magaalada Garbahaareey ee xarunta Gobolka Gedo.

44a2

Wafdiga taliyaha waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay taliyaha Guutada Tobnaad ee xoogga dalka, Maamulka Degmada iyo qeybaha bulshada, isagoo salaan sharaf ka qatay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Taliyaha cusub qeybta 43aad ee ciidanka Xoogga dalka ee ka howgalla Jubbooyinka iyo Gedo Sareeyo Guuto Cali Maxamed Maxamuud oo ka hadlayay munaasabad kooban ayaa sheegay in uu u yimid sidii uu ugu kuur geli lahaa xaaladda ciidanka ee ka howlgall Jubooyinka iyo Gedo ee maamulka Jubbaland, isla markaana uu soo booqan doono dhamaan goobaha ay ciidamada ku suganyihiin.

Taliya ayaa usii gudbay maanta magaalda Baardheera halkaas oo uu maanta xilka kala wareegayo Taliyihii hore ee qeybta 43aad ee ciidanka Xoogga dalka Sareeyo Saxardiid oo isna halkaasi u gaaray si uu xilka u wareejiyo.

Maamulka Axmed Madoobe oo ay shacabka dawlad goboleedka Jubaland ay aad u naceen ayaa magaalada Kismaayo ka dhigay xabsi qofkii ka aragti duwanaada laga masaafuriyo, kii imaanayana loo diido.

Puntlandes.com

About The Author